|

Daawo Video: Suxufiyadda Ruug Cadaaga Ah Ee Soomaaliyeed Aamina Muuse Weheliye Oo Ku Biirtay Telefishanka Madaxa Bannaan Ee HCTV, Masuuliyiinta Iyo Shaqaalaha HCTV London Oo Barnaamij Soo Dhawayn Ah Ku Qaabilay Iyo Weedhahii La Isweydaarsaday

London 13March13(SDN) Telefishanka caalamiga ah ee madax bannaan ee xaruntiisa dhexe tahay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa ayaa ugu danbayntii hantiyey suxufiyadda ruug cadaaga ah ee haldoorka u ah haweenka suxufiyiinta dunida afka Soomaaliga ku hadasha Marwo Aamina Muuse Weheliye ka dib markii ay Aamina Muuse Weheliye todobaadkii hore ku dhawaaqday inay ka tagtay shaqadii ay ka haysay telefishanka Universal ee xaruntiisu yahay magaalada London.

Aamina Muuse Weheliye oo ka mid ahayd tiirarkii idaacadda laanta afka soomaaliga ee BBCda oo iyadu sannadkii hore ka tagtay shaqadaasi ka dib muddo ka badan toban sannadood oo ay ka soo hawl gallaysay laanta afka soomaaliga ee idaacada BBCda. Agaasimaha telefishanka HCTV qaybtiisa Europe oo xaruntoodaa ugu weyni ku taallo magaalada London  Siciid Cabdi Saleeban iyo hawlwadeenadda telefishanka ee magaalada London ayaa haldooradda weyn suxufiyadda Aamina Muuse Weheliye ku soo dhaweeyey barnaamij ay ku muujinayeen sida telefishanku ugu farxasan yshsy  inuu hantiyo qof sidaasi u magac weyn, haddaba barnaamijkaasi hoos ka daawo:

 

Comments are closed