|

DAAWO: “Ummaddu Waxay Jabtaa Marka Hoggaankeedu Uu Been ku Maaweeliyo..” Sheekh Aadan-Siiro

Hargaysa 27.Aug 2016 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay Xaalad Dalka, gaar ahaan Heshiiskii Dekedda Berbera oo uu sheegay inuu weli Mad-madow ku jiro, Isbeddelkii Xukuumaddu lagu sameeyay dhawaan iyo Muranka ka taagan deegaannada Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex.

ADAN-SIIRO-TNNSheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu khudbaddiisa kaga hadlay dhibaatada If iyo Aakhiro ka dhalata Haddii Hoggaanka Dal uu leeyahay Ummaddiisa kula Macaamilo Been, isagoo xusay in waxyaabaha keena in Ummadi jabto ay ka mid tahay Hoggaankooda Been kula Macaamila isla-markaana arrin kasta oo soo waajahda Dalka Xalkeeda ku raadiya jid aan Run ahayn.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Waxaan ka hadlayaa Erayga BEENTA la yidhaahdo oo ku bata Ummad Hoggaankooda iyo dhibaatada uu ku yeelan karo Ummaddaa la hoggaaminayo, Islaamkuna aad buu uga digay BEENTA. BEENTA waxa ka hadlay Axaadiis badan, marka Xaaladi timaaddo waxa dhaqan u ah Dadka Muslimka ah ee meeshaa jooga in Dadka Sahanka u ahi inay noqdaan (Hoggaamiyeyaashu) Dadka ugu Runta badan, ugu aragtida dheer, Daacadnimo badan, shaqadaa loo diranayana noqonaya Dadka la is-leeyahay waa kuwii ugu Habboonaa.”

Sheekh Aadan waxa kale oo uu ka hadlay, “Dhacdooyinkii ugu dambeeyay, ha ahaato Isbeddelkii ugu dambeeyay ee lagu sameeyay Xukuumadda ama ha noqoto Heshiiskii Dekedda Berbera oo madmadow badani uu ilaa Maanta ku jiro, oo aanu aad u cadcaddeyn ama noqoto Murannada ka jira Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex, arrimahaas oo dhammaantood ah Arrimo aad u xasaasiya. Waxaad Mooddaa xaydaabkaa ku xeeran inaan weli la helin Hoggaan Runta ka sheega oo Caddeeya waxaasi waxa ay yihiin, si Dadka Cilmiga iyo Garashada u Saaxiibka ahi u taageeraan markay fahmaan wuxuu yahay waxaasi.” Ayuu ydihi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan doonayaa inaan Xasuusinayo Naftayda iyo Inta u saaxiibka ah Cilmiga, Garashada iyo daneynta Dalkan yar ee aynu doonayno inay ku dhisno Ururinta, Diinta iyo Alle ha Cabsiga dhowr Xadiis oo aan is leeyahay hadday Qalbigeenna gasho wax badan bay ka tari kartaa Xaaladaha aynu mareyno. Xadiiska koowaad, waa Xadiiska uu soo Saaray Al-imaamu Bukhaari ee uu Weriyey Abaa Sacaada Al-khudari….Xadiisku wuxuu leeyahay Nin reer Baadiye ah, ayaa u yimid Rasuulka (CSW) waxaanu ku yidhi, Nebi Alloow waxaad in badan ka digtay Qimaayaha waxa Bani-aadamka soo gaadhaya, ee Saacaddu goor may imanaysaa si aanu uga digtoonaano ?. Rasuulku wuxuu si kooban ugu jawaabay, ‘Saacaddu waa marka la dayaco Amaanada’. Laakiin Ninkii Reer Baadiyaha ah wuxuu Rasuulka mar kale waydiiyey, side amaanada aad sheegayso loo dayacayaa, maxaanu ku garanayna?, Rasuulku (CSW), wuxuu ugu jawaabay, “Talada marka loo dhiibo Dad aan ehelkeeda ahayn Qimaayihii wuu taagan yahay ee ka diyaar-garow” buu Rasuulku (CSW) ku yidhi Ninkii (Su’aasha waydiiyey).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabaha keena in Ummaddi Jabto oo ay khasaarto, “Ummadi goormay Jabtaa oo foof-daran habow ku dhacaa?, Ummadi goor may yoolkeedii ka habowdaa ?, Ummadi goormay dib u jeedsataa, halkay hore ugu socon lahayn ?, waataa uu Rasuulku (CSW) ka warramayo..Rasuulku wuxuu waydiiyey Saxaabada Ma taqaanaan Ninka la yidhaahdo wuu kacay ?. Waa Ninka isagoo aad u shaqeystay oo Hanti badan lahaa Aafo Rabbaani ahi ku dhacdo ayaa Qalbigii saxaabada ku soo dhacday, laakiin Rasuulku wuxuu yidhi, “Waa Ninka Qimaayamaha Imanaya isagoo Camal badan sameeyay, Salaado badan tukaday, Xajka tagay, in badan wax bixiyey, laakiin wuxuu isa soo taagayaa buu yidhi Rasuulku (Faro-madhnaan), Waayo ? waxa looga qaaday (Wanaaggii uu soo shaqeystay) Dadkii lahaa Hantidii uu u indho-saabay Dadka, iyo Hantidii Gaarka ahayd ee uu indho-saabay. Qofka kacana Islaamku wuxuu u yaqaanaa Qofka caynkaas ah. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, waxa iman doonta Sanado Dadka la Foof-daran Habaabiyo, Beenta looga dhigo RUN, Runtana looga dhigo been. Wakhtigaa waxa RUN sheegi noqonaya Beenaalaha, waxa Dadka hor-galaya Beenaalaha, Wakhtigaa waxa Dadka u ilo-bixinaya kii ay Dadka Saalixiinta ahi odhan jireen “Annagu lama dhaqanno kuwa Beenta sheega..ee ay wejiga kaga qoran tahay…Waxaana Wakhtigaa la beenin doonaa ka RUNTA sheega…waxa la aamini doonaa kii Hantida Ummadda laga ilaalinayey ee Khaa’inka ah..waxa la odhan doonaa kii Aaminkaa ahaa..waxa Ummadda Afkooda ku hadli doona Mid aan waxba kala sooceyn…” ayuu Rasuulku (CSW) yidhi….Haddaad is tidhaahdo Kan Been u sheeg, Kan kalena been u sheeg oo sidaa Ummadda ku hoggaami, Adigoo lagaa doonayo Go’aan Ummadeed, way soo urureysaa (Taladu), dabadeedna waxay keenaysaa In Dadku is-qabsadaan. Waa Calaamadaha Qiyaamaha marka Hoggaanku Ummaddu ay Dadka Been ku maaweeliyaan, marka Hoggaanka Ummaddu ay wixii dadka lagu kala saari lahaa Been geliyaan. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, wuxuu hoog u sugnaaday ka Dadka u sheekeeya ee been sheegaya si loogu qoslo.”

Sheekhu wuxuu khudbaddiisa ku soo qaaday Dambiyada ugu waaweyn oo ay ka mid tahay Been abuurku, waxaanu yidhi isagoo faahfaahinaya, “Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi, Dambiyada waaweyn waxa ka mid ah hadalke been abuurka ah. Ummaddu goormay jabtaa?, waa markay Runta isku sheegi waydo, waa markay Dadka aqoonteeda leh waxba waydiin waydo, waa markay Dadkeeda Wanaagsan Dibadda u tuurto. Waxaanu leenahay waar Dadka Foof-daran Habowga ha laga daayo, waar Qofka Arrin ku xidhan yahay yaanu Dadka Foof-daran habaabinin, Waayo? Fidnadaasi waxay keenaysaa in Dadku isku dhacaan, waxay keenaysaa in Dadku Sabab la’aan isku dilaan, fidnadaasi waxay keenaysaa inay Dadkoo dhan wada gaadho.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan-Siiro), waxa uu tilmaamay in ku Tafri-falka Waxa Ummadda ka dhexeeyaa uu halis ku yahay Hoggaanka Ummadda, “Rasuulku wuxu yidhi, waxa imana doona Dad isku xeera Madaxda, kuwaas oo Been u sheega Dadka, si la isku qabsado, Dulmina way samaynayaan, kuwa noocaas ah kuwa u gala ee rumaysta Beentooda ee Dulmiga ay samaynayaana ku kaaliya, Kaas Aniga igama Mid aha ayuu Rasuulku (CSW) yidhi, iyaguna igama mid aha….” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyey, “Ku Tasarufka Waxa Ummaddu ka dhexeeyaa wuxuu halis ku yahay Hoggaanka Iyo Horu-socodka Ummaddu leedahay.”

Comments are closed