Daawo:- Sheekh Barbaraawi Oo Ummadda Uga Digay In Macaasi Lagu Dhaco Maalinta 18-May
ILLAAHAY Ma ogolla in uu qofku caasiyo wakhtiga uu faraxsanyahay, sidoo kalena ILLAAHAY ma fasixin in la caasiyo wakhtiga qofku uu murugaysanyahay
Hargeysa, 16,5,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Cabdillaahi Xassan Xaashi [Barbaraawi] oo ka mid ah culimada ducaadda ah ee magaalada Hargeysa ayaa shacabka Somaliland uga digay in maalinta 18-May la sameeyo macaasi iyo dunuub kuwaasi oo uu sheegay in ay inta badan dhacdo in muusig iyo waxyaabo kale oo aan diin ahaan wanaaganayn la sameeyo maalintaasi. Isagoona ummadda u sheegay in aanay bannaanayn in maalmaha ILLAAHAY la kala doorto oo xusas gooni ah la sameysto.
Halkan Hoose Ka DAAWO Muuqaal Uu Sheekh Barbaraawi arrintaasi ku faahfaahinayo;