DAAWO: Sh. Aadan-Siiro Oo Sheegay In Hargeysa Laga Qorayo Dad Ka Qayb-galaya Barlamanka Somalia
Hargeysa,21,5,2016 (QJ/SDN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xaaladda Siyaasadeed ee Dalka iyo Muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo Heshiiskii Umaddu wada gaadhay ee lagu dhisay Somaliland, isagoo farta ku fiiqay Dad gudaha Dalka ku sugan oo uu sheegay in ay doonayaan inay Wiiqaan Qaranimada Dalka.
Sheekhu waxa uu Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Nin uu sheegay inuu Hargeysa ka qorayo Dad Reer Somaliland ah oo ka qayb-gala baarlmaanka soo socda ee Soomaaliya.