|

Daawo Sawiro…kulankii London iyo Cambaareyn dilkii loo geystay Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cade oo Mogdisho lagu diley.

London 02Nov13(SDN) Kulan balaadhan oo ka dhacay Savana Restaurant ee galbeedka magaaladda London,kulanka oo ay kasoo qaybgaleen Bahda saxaafadda,Ururadda Bulshada,Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida UK ,Haween iyo martisharaf kale oo fara badan.

IMG_1383 (800x533)

Ujeedada kulanka oo ku saabsanaa Canbaareyn dilkii loo geystay Allah ha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud  Tima-Cade oo 22 bishii hore niman dablay ahi ay dhaawac  xun u geysteen kadibna dedaal badan oo loo sameeyey uu Wariye Tima-Cade  ku geeriyooday magaaladda Mogdisho.

IMG_1398 (800x533)

Kulanka oo aad u balaadhnaa waxa Aayado Quraana ka dib aad looga sheekeeyey Tariikhdii  Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cade iyo doorkii uu ku lahaa bulshada Soomaaliyeed,waxa kale oo aad looga waramay dhibaatada aadka u badan ee lagu hayo wariyayaasha ka hawl gala Somalia gaar ahaa kuwa magaaladda Mogdisho.Waxa dhamaan martisharafkii hadlay ay carabaabeen dhibaatada lagu hayo wariyayaasha oo aad usii xumaanaysa iyo dedaal la’aanta ka jirta ee aan waxba loo qabanayn,waxayna dhamaan dadkii kala duwanaa ee kulanka ka hadlay ay BAAQ u direen xukumadda Somalia in ay xil weyn iska saarto bad-baadinta wariyayaasha sida xun loogu dilaayo gudaha Somalia.

IMG_1377 (800x533)

Dhinaca kale waxa lasoo jeediyey in la abuuro sidii loo mideyn lahaa wariyayaasha gudaha iyo dibadaba ka hawl gala lana abuuro DALAD ay ku midoobaan si wax looga qabto dhibaatada jira.Mid ka mid ah wariyaasha kulanka ka hadlay ayaa muujiyey talona usoo jeediyey wariyayaasha waxa uuna sheegay in ay wararka ay gudbinayaan ka fiirsadaan ,iska ilaaliyaan in ay gudbiyaan warar keenaya dhibaato bulshada dhexdeeda,in ay ku de-daalaan in ay soo gudbiyaan warar dhex-dhexaada ah oo run ku saleysan,waxaanu ugu danbeyn carabka ku adkeeyey in wararka la tayeeyo oo aad looga fiirsado.

IMG_1355 (800x533)

Sidasoo kale waxa la sheegay in kulankani yahay kulankii ugu balaadhnaa ee noociisa oo kale ah ee warbaahintu ay isugu timaado  oo ah in aan kulanka ka faa’ideysano oo aynu joogteyno kulamada noocan oo kale ah.

IMG_1357 (800x533)

Gudoomiyaha Jaaliyadda Somalida UK Maxamed Cali Atoore oo isna kulanka goobjoog ka ahaa ayaa ugu horeyn Tacsi u direy ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cade,waxa uuna aad ugu dheeraaday dhibaatada wariyaasha lagula koco oo ah dhibaato aad u balaadhan oo ah in xal loo helo sidii looga hor tagi lahaa,waxa uuna talo usoo jeediyey in wixii ay qaban-karaan ay la qabanayaan sidii loo hirgalin lahaa urur ay yeeshaan saxaafada dalkan Ingiriiska ka hal gala oo aad u fara badan,waxa uuna sheegay in ay tahay fursad qaali ah oo u baahan in laga faa’ideysto.

IMG_1390 (800x533)

Madasha oo ay dad kala du-duwan ay ka hadleen waxa ay dhamaantood aad uga murugeysnaayeen sida xun ee wariyayaasha loo laynaayo iyo in tageero loo muujiyo sidii looga hor tagi lahaa,waxa kale oo madasha lagu ururiyey lacag gaadhaysa 5000. Oo Dollar oo lagu tageeraayo xaaskii iyo caruurtii uu ka tagay Mariye Maxamed Maxamed Tima-cade.

IMG_1397 (800x533)

Ugu danbeyntii waxa aad loogu mahadceliyey dhamaan saxaafadda Soomaalida meelkasta oo ay joogaan,laguna dhiiri galiyey in ay hawsha ay hayaan sii laban-labaan,Waxa kale oo marlabaad aad loogu duceeyey Geerida Alla ha u naxariistee Wariye Maxamed Maxamuud Tima-Cade Qaraabadii iyo Ubadkii uu ka tagayna Samir iyo iimaan ka siiyo.Amiin

IMG_1404 (800x533)

 

IMG_1392 (800x533)IMG_1387 (800x533)IMG_1433 (800x533)IMG_1422 (800x533)IMG_1417 (800x533)IMG_1425 (800x533)IMG_1427 (800x533)IMG_1414 (800x533)IMG_1421 (800x533)IMG_1413 (800x533)IMG_1419 (800x533)IMG_1412 (800x604)IMG_1405 (800x533)IMG_1391 (800x533)IMG_1389 (800x533)IMG_1361 (800x533)IMG_1344 (800x533)IMG_1366 (800x533)IMG_1360 (800x533)IMG_1386 (800x533)IMG_1378 (800x533)IMG_1403 (800x533)

 

Comments are closed