Daawo Sawiro iyo Muqaal Xisbiga Waddani UK oo Soo Dhaweeyay Xilibaan Rayte, Isla Markaana Sagootiyay Marwo Faadumo Saciid
London04May15(SDN/QJ)Xisbiga Waddani UK oo Soo Dhaweeyay Xilibaan Rayte, Isla Markaana Sagootiyay Marwo Faadumo Saciid. Xisbgia Waddani UK ayaa Munaasabad Balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen Garabka Haweenka Xisbiga Waddani UK, ayaa Waxa ay ahayd Mid isugu jirta soo dhawayn iyo Sagootin, taas oo lagu kala qaabilay Masuuliyiinta Kala ah Xilibaan Rayte iyo Faadumo Saciid oo labaduba ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani.
Xilibaan Ibraahim Jaamac Cali(Rayte) ayaa Maalinimaddii Sabtida kasoo dagay Gagida Caalamiga ah ee Heathrow Airport, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta Xisbiga Waddani ee UK oo ay Wehelinayaan Taageerayaal Tiro badan oo ka tirsan Xisbiga Waddani UK.
Dhinaca kale Marwo Faadumo Saciid oo iyana maalmahan ku sugnayd Magaalo Madaxda Dalka Ingriiska ee London ayaa iyana la sagootiyay, waxana ay Faadumo Saciid Kusii Jeeddaa Waqooyiga Ameerika, waxana ay kala qayb qaadan doontaa Jaaliyadda Somaliland ee kunool Waqooyiga Amerika Xafladaha 18 May ee inagu soo fool leh.
Xafladdan ay ku kulmeen labada Masuul ayaa waxa soo qaban qaabiyay isla markaana soo agaasimay ,Garabka Haweenka Xisbiga Waddani ee UK, waxana ay ku qubteen xafladda Xaffadda Harlesden ee Degmada Brent Waqooyi Galbeed Magaalada London.
Ugu Horayn waxa Xafladda Furay Xudhiidhiyaha Lamaaha Dibadda ee UK Muddane Maxamed Carab, waxana uu sheegay Ujeedada Xafladda iyo in ay ahayd soo dhawaynta Xillibaan Rayte iyo Sagootinta Marwo Faadumo Saciid., intaa kadibna waxa uu ku soo dhaweeyein Aadan Cadde.
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Uk Mudane Xusein Aadan Cadde ayaa Ka hadlay arimo ay ka midyihiin Doorashooyinka iyo arinta Muranka badani kataagan yahay ee ah Guurtida oo u Kordhisa Xukuumadda Haatan Somaliland ka arimisa ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo , in kabadan Muddadii ay shaaciyeen Guddida
Doorashooyinku,Axsaabtuna ay ku Raaceen, wax ka duwan oo ay keenaan Guurtidu in ay noqon doonto wax aan dal iyo Dad toona Dani ugu Jirin,waxana ay noqon doontaa arin Dibindaabyaysa hanaanka Geedi Socodka Dimuqraadiyadda, Somaliland. Geesta kale Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa dhamaantood ku nuuxnuusaday halista ka dhalan karta Mudo kordhin sharci dara ah oo ay ku talaabsadaan Golaha Guurtida Somaliland.
Gudoomiyaha Qaaradda Yurub, Xoghayaha Qaaradda Yurub,Gudoomiyaha Garabka Haweenka UK iyo Masuuliyiin kale oo Xafladda ka hadlay ayaa dhamaantood waxa ay Dirayeen Fariin isku mid ah, iyaga oo dhamaantood Muujiyay dareen isku mid ah, oo la xidhiidha Walaaca ay ka qabaan Muddo Kordhin aan Sharci ahayn oo baal marsan, tii ay ku heshiiyeen Sadexda Xisbi Qaran ee ku salaysnayd Jadwalkii Guddida Doorashooyinka ee ay ku muddeeyeen Wakhtiga ay doorashadu ku dhacayso.
Sidoo kale Xillibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte )iyo Faadumo Saciid ayaa iyana Kudheeraaday Xaaladda ay waxkhti Xaadirkan Somaliland ku sugantay, iyaga oo dhinaca kale hoosta ka Xariiqay Baahida Shacbiga Somaliland u qabo, isbadal dhab ah iyo waliba sida loogu Hungoobay Xukuumadda haatan talada haysa. Si kastaba ha ahaatee Waxa jira Walaac laga qabo,Muddo kordhin aan loo miidaan dayin isla markaana aan sharci ahayn oo ay Guurtidu Muddada ugu Kordhiso Xukuumadda talada haysa oo ka gaabisay in ay Doorashada Xiligeeda ku qabato. Ugu danbayntii kulankan ayaa waxa uu ku soo gabo gaboobay Jawi aad u quruxbadan, oo aad u dagan .