Daawo Sawiro…Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha Xafiiska Waddani Hargaysa Yasmiin Raygal oo London soo gaadhay ….
london 17Nov14(SDN/QJ)Waxa kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Heathrow Intermational Airport Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Waddani Mudane Axmed Muumin Seed Iyo Agaasimaha Xafiiska Waddani ee Hargaysa Marwo Yasmiin Raygal, Garoonka caalamigaa ee Heathrow waxa kusoo dhaweeyey tageerayaasha Xisbiga Waddani iyo qaar ka mid ah shacabka reer Somaliland ee dalka Iingiriiska.
Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Waddani Mudane Axmed ayaa ugu horey aad ugu mahad celiyey sida wacan ee loo soo dhaweeyey aadna uga mahad celiyey tageerayaasha iyo madaxda Xisbiga Waddani ee UK. Mr Axmed Muumin waxa uu war bixin guud kaga waramay xaalada Somaliland guud ahaan gaar ahaan waxa uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday Barlamaanka Somaliland iyo Inqilaabkii fashilmay waa sida uu hadalka u dhigaye,waxaanu ka Tacsidayeey dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba,Waxa kale oo uu mahad celin u jeediyey xildhibaanadii ka soo hor jeestay Inqilaabkii fashilmay ee ka dhacay golaha Barlamaanka. Waxa kale oo ka hadlay madaxda Xisbiga iyo Gudoomiyaha UK Muj Xuseen Aadan Cade, Madaxa Abaabulka Maxamed Qawdhan Yoolac iyo Madaxda Lamaha North London , Brent, West London ,iyo Madaxda Heer Qaran , Halkan ka daawo soo dhawayntii