|

Daawo Sawiro Dhammeystiran Oo muujinaaya Khasaarihii Uu Dhaliyay Qaraxii Ka Dhacay Hotel Jaziira Muqdisho.

Muqdisho,26july,2015(QJ/SDN)-Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo galabta lagu qaaday Hotelka Jaziira oo kuyaala agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan ka dhashay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weerarka Ismiidaaminta ah ayaa loo adeegsaday Gaari nuuca xamuulka qaado ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo biro aad u badan, waxaana lala beegsaday gaarigaasi qeyb kamid ah dhismaha hotelka Jaziira oo kamid ahaa hoteelada sida weyn amaankooda loo adkeeyo.

In kabadan 10 qof oo u badan dad shacab ah ayaa ku geeriyootay Weerarka Ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Hotelka Jaziira , waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay dad badan oo shacab u badan kuwaa oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Burbur xoogan ayaa dhulka dhigay qeybo kamid ah dhismaha Hoteelka waxa uuna weerarkaasi Khasaaro xoogan kasoo gaadhay Ilaalada Hoteelka, Qaar kamid ahaa macaamiisha Hoteelka oo ku qaxweynaayay barxada sare ee Hoteelka iyo weliba dad shacab ahaa oo maraayay wadada Hoteelka hor marta kuwaasi oo xiligaasi usii hoyanaayay aqaladooda.

Mid kamid ah Goobjoogayaashii Hoteelka ku sugnaa ayaa yidhi “Qarax weyn ayaa lala beegsaday Hoteelka Jaziira, kaasoo dhismaha oo dan burbur xoogan u geystay; waxaana ku dhintay dad badan oo isugu jiray dadkii Hoteelka deggenaa iyo laba wiil oo Mooto watay, kuwaasoo weli ay maydadkoodu yaallaan meelihii ay ku dhinteen,”

Sidoo kale, War ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay inay iyadu mas’uul ka ahayd Weerarkan, iyagoo ku xusay warkooda in weerarkan uu aargudasho u yahay dad shacab ah oo ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay ku laayeen Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Somalia.

Hotel Jaziira ee weerarka Ismiidaaminta ah lagu qaaday waxaa deggenaa safiiro Muqdisho ay kamid ahaayeen Safiirada Imaaraadka Carabta , Qadar iyo Shiinaha , waxaa kaloo deggenaa dublamaasiyiin caalami ah iyo weliba dad kala duwan oo Soomaali iyo Ajnabi ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRO MUUJINAAYA KHASAARAHA UU WEERARKU GAYSTAY.

ad1de5f57677457ac6ca54ccad1de5f592424f57618a24b186f9a15067f51d429df3d5d35de09ac65de09ac65bcaf7c31e076da1c6ca54ccjazir_4

Comments are closed