DAAWO Sawirada Shirkii uu Soo Qaban Qaabiyey Safiirka wareega ee Somaliland Amb Kaysar Cabdilahi Mohamed oo kadhacay BRISTOL UK
Bristol Aug 23,2015(SDN/QJ)-Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Bristol UK munaasibad aad u balaadhan oo Looga hadlayey Arimaha Xagjirnimada laxidhiidha iyo dhalinyarada ku soo Badanaysa ee ku biiraya Colaadaha ka Aloosan wadamada Suuriya, Ciraaq, hadaba shirkan oo ay kaso qaybgaleen masuuliyiin sarsare oo kasocda dawlada UK.
Culimada Diinta iyo Saraakiil ka socday madaxda booliska iyo dhamaan Laamaha Amaanka ee ingiriiska, dawlada hoose ee magaalada Bristol iyo dhamaan Ururada
Bulshada ee kala duwan ee ku dhaqan wadankan UK.
Shirkan oo uu soo Abaabulay soona qaban qaabiyey safiirka wareega ee jamhuuriyada somaliland Amb Kaysar Cabdilahi Mohamed ayaa waxa uu u dhacay si aad iyo aad u wanaagsan iyada oo dhamaan dadkii ka soo qaybgalay sharkini ay aad ula dhaceen Qaabka wanaagsan ee loo soo Agaasimay, iyada oo halkaasi laga hadlay in Qofkastaba uu dhalinyara uu isha ku hayo dhaqdhaqyada ay samaynayaa,in markastabana wacyi galin Buuxda lasiiyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada, ugu dambayntii waxa halkaasi u mahadnaqay dadkii kasoo qaybgalay safiirka wareega ee somaliland Amb Kaysar Cabdilahi Maxamed waxanu yidhi waxan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan Jaaliyada reer bristol oo dhan Haween,Rag, Caruur iyo Ciroolaba, sida wanaagsan ee ay uga soo Qaybgaleen shirkan oo Bilow ah hada oo aynu halkaasi sii wadi doono hadii alleh yidhaah ayuu yidhi.
ABDI BARUD XARAGO BRISTOL UK,
11 Attachments