DAAWO SAWIRADA: Mudaharaad looga soo horjeeda Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo Garoowe ka Socda
Garoowe, 28Jun15(SDN/QJ)Mudaharaad looga soo horjeedo madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka fadaraalka soomaaliya, ayaa saaka ka bilaabmay gudaha magaalada garoowe, Mudaharaadkaan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka degmada Garowe iyo kan gobolka Nugaal ayaa la sheegay in dadku ay uga soo horjeedeen go’aanka madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaaanka fadaraalka ee ku aadan maamulka gobolada dhexe ee Galmudug.
Ka qeyb galayaasha mudaharaadka oo isku soo baxay fagaaraha barxadda weyn ee garoowe ayaa watay boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo ay kaga oo horjeedaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka.
Wixii warar ah ee kasoo kordha isha ku hay Shabakadda Qurbejoog.com / Somalidiaspora.com