Daawo Muuqaal : Yaabka uu dhigay Cunsurigii Norway Dadka badan ku laayay oo markaan Dowlada ku dhegan!
Hargaysa 14. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Cunsurigii reer Norway Anders Breivik ayaa mar kale Maxkamad la soo taagay kaas oo markaan Dacwad u heeysta dowlada Norway iyo booliiska dalkaas .
Anders Breivik oo u eg ruux maskaxda ka xanuunsan ayaa sanadkii 2011-kii wuxuu dalka Norway ku laayay 77-qofood gaar ahaan jasiirada loo dalxiis tago ee Utoya. Ninkaan oo mar kale Maxkamad dib loo soo taagay wuxuu dacwad u qabsaday dowlada Norway kaas oo sheegay in Xabsiga gudihiisa si xun loola dhaqmo waliba uusan helin wax gar gaar ah .
Cunsurigaan lagu magacaabo Anders Breivik ayaa helay intii uu rabay , wuxuuna markii Maxkamada la hor keenay mar kale taagay Salaantii Naazigii Hitler si warbaahinta Caalamka u arkaan ama uga sheekeeyaan inuu wali nool yahay .
Ninkaan oo noqday dilaagii ugu xumaa ee Qaarada Yurub ayaa waxaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah taas oo ka dhigan Yurub Xabsi daain .