DAAWO Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Tukashada Salaada Ciidal Fidri ee Saaka
Hargaysa 08.Aug (SDN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mduane Axmed Maxamed maxamuud (Silaanyo) ayaa saaka bulshada reer Somaliland kula ciiday Garoonka Xaafada Xawaadle ee kubada cagta halkaas oo uu kula tukaday kumanaan kun oo ka mida shacbiga Macaasimada Hargeysa
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayay Maanta u ahayd Markii 1aad ee Mudadii Sadexda Sanno ee Hogaaminta Qaranka uu hayay ee Shacbiga kula Tukado Garoonka Kubada Cagta ee Xawaadle,Maadaama uu Munaasibadaha Noocan oo kale ah uu sida Qaalibka ah ku Tukan Jiray Masjid Jaamaca Weyn ee Caasimada.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo khudbad halkaasi ka Jeediyay ayaa hambalyo u diray Guud ahaan Shucuubta Islaamka gaar ahaan Ummada Somaliland.
Madaxweynuhu wuxuu ilaahay ka baryay in Ciidan Ciideeda ay ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo isagoo geesta kalena Shacabka Somaliland u soo jeediyay inay gacmaha isu qabsadaan ilaalinta nabadgalyada,Horumarka dalka, iyo sidii ay Somaliland u heli lahayd aqoonsi buuxa.
Tukashada Salaada kadib Waxa uu Madaxweynuhu ku laabtay Xarunta Qasriga Madaxtooyada halkaas oo uu ku Qaabilay Madaxda Laamaha Qaranka,iyo Dadweyne u booqasho Tagay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com