Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo dalka ku soo laabtay Jawaab Adagna ka bixiyey Weerarkii Jabuuti
Hargeysa (SDN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminaayay ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo noqday, ka dib markii ay soo dhamaysteen boqasho ay ku joogeen muddo afar maalmood ah boqortooyada Kuwait halkaas oo uu ku marti-qaaday Amiirka dalka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.
Mid ka mid ah Warfidiyeenada ku sugnaa qasriga madaxtooyada ayaa madaxwaynaha waydiiyay mawqifkiisa ku aadan xad gudubkii ciidanka ka tirsan ilaalada xeebaha Jabuuti ay ku dileen hal Askari oo ka tirsan Marines-ka Somaliland mida kalena ay ku dhawaceen ee ka dhacay jasiirada Ceebaad ee Biyaha Somaliland, waxaana madaxweynuhu kaga jawaabay sidan “Ciidamada Jabuuti iyo Somalilandba wixii dhexmaray annagu haddii aanu Somaliland nahay wixii dalkayaga difaaciisa khayr ugu jiro, dani ugu jirto diyaar ayaanu u nahay, waanu difaacno, waana aanu difaacaynaa, waanan ka war qabaynaa, waanan la soconaynaa INSHAA ALLAHU TACAALAA ”.