Daawo Kulankii Xalay Wasiir Xirsi u Sameeyay soo Bandhigida Xadiga Lacageed ee Wadada Ceerigaabo
Hargeysa 23.Feb 2014 (SDN)- Waxa habeenkii xalay ahaa xaflad aad u qiimo badan lagu qabtay Magaalada Hargeysa Gaar ahaan xarunta Hay’adda waddoonka Somaliland ee magaalada Hargeysa.
taas oo Lagu Soo Bandhigay Xaddiga Lacagta Qaadhaanka Waddada Ceerigaabo loo hayo laguna dhaqaajin doono wejiga koowaad ee wadada Ceerigaabo iyo Burco isku xidha.
Waxaa halkaasi isugu yimid Masuuliyiin xukuumadda ka socda iyo boqolaal Marti sharaf ah, oo ka soo qayb galay munaasibadan oo ahayd mid jawiga iyo bilicda ka muuqatay ahayd uun mid waxqabad iyo horumarineed ayaa lagaga dhawaaqay isu geynta lacag ka badan Shan Milyan oo Dollar ($500,352.34), oo ku jirta gacanta Guddida dhismaha wadadaasi, ee madaxweynuhu magacaabay, sida ay sheegeen Masuuliyiinta u xilka saran kharashka wadada.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com