|

DAAWO: Israa’iil oo Biyaha ka Goysay Bisha Ramadaan Falastiniyiinta ku Nool Daanta Galbeed

Jenin,15,2016 (QJ/SDN) – Shirkadda Biyaha Isra’iil, ayaa biyihii ka goystay goobaha Daanta Galbeed (West Bank) ee qasabka ay ku haystaan askarta Isra’iil ee ay ku dhaqan yihiin shacabka Falastiin waqti ay ku jiraan bisha barakaysan ee Ramadaan.

Goobahan oo boqolaal kun oo Falastiniyiin ah ku nool yihiin ayaan waqtigan haysan biyo ay ku afuraan amma cuntada ay ku karsadaan bisha barkaysan ee Ramadaan.

Shirkadda Mekorot oo ah shirkadda ugu weyn ee biyaha siisa tuulooyinka iyo magaalooyinka, ayaa xidhay biyo qaybiyayaashii ay ku lahayd magaalada Jenin oo biyaha siin jirtay tuulooyin badan iyo magaalada Salfti iyo xaafadaha ku hareeraysan.

Ayman Rabi oo ah Agaasimaha Fulinta  koox biyaha ka shaqaysa oo la yidhaa Palestinian Hydrology Group, ayaa telefiishanka Al Jazeera u sheegay maanta in meelo badan oo daanta galbeed ka mid ah aanay biyo helin muddo ka badan 40 maalmood.

“Dadku waxa ay isku halaynaayaan in ay booyadaha biyo ka iibsadaan si ay uga dhigtaan beddel. Qoysaska waxa ay ku nool yihiin laba ilaa 10 litir oo biyo ah maalintii,” ayuu yidhi  Ayman.

Magaalada ugu daran ee Jenin ee biyaha laga xidhay ayaa ay ku nool yihiin 40,000 qof, kuwaasoo kala badh ka mid ah dadku biyo la’ yihiin, waxaana masiibadan ka masuul ah shirkadda Isra’iil ee Mekorot oo sababtay in bishan oo aad degaanku u kulul yahay biyaha dadka laga jaro.

Masuuliyiinta Mekerot ayaa ilaa hadda ka jawaabin dhaleecaynaas loo soo jeediyey..

DAAWO: Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Falastiiniyiinta Oo Laga Goostay Biyaha;

Qaramada Midoobay sida ay sheegeen 7.5 litir waa inta uu qofku maalintii ku noolaan karo ee uu u baahan yahay inuu helo, halka qoyska dhan ee Falastiin ay biyo intaa ka yar helaan, iyadoo heer-kulkuna dhaafay 35 C.

Laga soo bilaabo 1967, Isra’iil waxa ay xadiday biyaha ay dadka Falastiiniyiinta ah ee Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa dega, kadib markii ciidammadeedu qasab halkaas ku qabsadeen.

Dadka Isra’iiliyiinta ah ee halkaas degen waxa ay helaan biyo ku soo shan jeer laban laabmaaya biyaha ay helaan dadka Daanta Galbeed dega, taasoo ah 350 litir inuu qofkii helo maalintii, marka la barbar dhigo 60 litir oo celcelis ahaan qofka Falastiiniga ah ee Daanta Galbeed dega uu helo.

Comments are closed