|

Daawo:- Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Oo Si Kulul Ula Hadlay Xukuumadda Madaxweyne Xassan Sheekh

Muqdisho (QJ/SDN) – Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka Shafiy Sir Badan oo aan horey loo ogeyn asagoona sheegay inuu diiday ka dib markii loo magacaabay Safiirka dalka Soomaaliya ee magaalada Washington ee dalkaas Mareykanka.

Gudoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu dhibaatooyin badan uu la kulmay xaligii uu ahaa Gudoomiyaha iyo Duqa gobolka Banaadir, Ex Gudoomiye Tarsan ayaa waxaa uu sheegay in markii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa ay qabteen Talada Dalka uu ku bilaabmay jaah wareer siyaasadeed iyo inay ku adkaato gudashada shaqadiisa asagoona sheegay inuu ahaa qof aan awood lahayn islamarkaana loo diiday ama laga hor istaagay inuu galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya xilli uu ahaa gudoomiya Gobolka Banaadir arintaas oo ku tilmaamay mid lala yaabo.

Ugu dambeyntiina, Ex Gudoomiye Tarsan ayaa waxaa uu sheegay in dhibaatada ugu darneyd ee soo wajahday Waqtigaas ay ahayd inay maalin walba ay soo gaarayeen Fariimo ku saabsan in dhawaan xilka laga qaadaayo arintaas oo ku beertay jaah wareer iyadoona uu sheegay inuu markii dambe uu aritaas xirir kala sameeyeey Madaxweyne Xasan Sheekh oo uuna ka codsaday arinkaas inuu kala Cadeeyo, Ex Gudoomiye Tarsan ayaa waxaa uu ku faanay inuu howlo badan uu ka qabtay gobolka Banaadir intii uu xilkaas Hayey.

Comments are closed