DAAWO: Cuqaal iyo Wax-garad Cambaareeyey Askari Boolis ah oo Habeenkii Siddeedaad Saldhigga Dhaxe ee Hargeysa ugu Xidhan Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Hargeysa, 23 September, 2016-(SDN/QJ):–Maxamed Ibraahim Cilmi(Gonda-jare) oo ka mid ah ciidanka Booliska Somaliland oo maalintii 9aad saldhigga dhaxe ee Hargeysa ugu xidhan amar uu bixiyey guddoomiye Muuse Biixi xilli uu askarigaasi gudanaayey waajibaadkiisii shaqo ka dib cadho uu Muuse Biixi askariga oo ka hor istaagay goob uu Waardiye ka yahay oo ay lee dahay dawladda Hoose ee Hargeysa oo lagu ilaaliyo gaadiidka iyo qalabka dhismaha waddooyinka Hargeysa oo uu doonaayey in uu gudaha hore u galo, maadaama aanu amar u haysan sii deynta Muuse sida oo kale na aanu garanayn qof ahaan.