DAAWO:–“Cidii Dooneysa Inay Gurato Midhaha Xisbiga Waddani Waanu Soo Dhaweynaynaa” Marwo Samsam Suudi
Hargaysa 27.October 2016 (SDN/QJ):- Marwo Samsam Suudi Diiriye Kana Mida Siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI oo maanta warbaahinta kula hadlaysay gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegtay inaanu xisbiga WADDANI u qaybsaneyn garabyo, ee uu yahay ul iyo diirkeed.
Waxaanay Marwo Samsam tilmaantay in doonidiii xisbiga WADDANI dhaqaaqday,maanta xisbigu meel wanaagsan uu marayo dhawaana la guran doono midhaha bisil ee ka dhasha geedka xisbiga Wadani.
Sidoo kale Marwo Samsam waxaa ay siyaasi Axmed Muumin Seed ugu baaqday in uu ka soo noqdo, cadhada uu ku maqan yahay, dibna ugu soo laabto xisbigiisi, iyada oo hoosta ka xariiqday in xisbigu wanaag farabadan iyo kalsooni u hayo siyaasi Axmed Muumin Seed.