Daawo- Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara oo la kulmay madaxweyne Shariif
Ankara Nov 11,2015(SDN/QJ)-Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa soo dhawayn ballaaran u sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.
Soo dhawayntan ayaa waxaa qaban qaabiyay maamulka ardayda Soomaaliyeed ee Ankara oo uu horkacayo guddoomiyahooda cusub mudane Mustafa Maxamed Cali (Mustafa Caadle).
Munaasabad ballaaran oo soo dhawaynta madaxweyne Shariif loogu tala galay ayaa waxa sidoo kale kasoo qayb galay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Turkiga Amb. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambalooshe), Qunsulka Soomaaliyeed mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, mas’uuliyiin kale oo safaaradda ka socotay, aqoonyahanno Soomaaliyeed oo la socday madaxweyne Shariif, iyo waliba mas’uuliyiin ka socotay xisbiga talada dalka Turkiga haaya ee AKP.
Furitaanka munaasabadda waxaa ka hadlay guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed ee Ankara, mudane Mustafa Caadle, wuxuuna ku dheeraaday ka sheekaynta xaaladda ardayda Soomaaliyeed ee magaaladaas ku nool iyo waliba ujeedada ay munaasabaddan u qabteen oo uu ku sheegay soo dhawaynta madaxweynihii hore ee dalka.
Intaas ka dib, waxaa hadlay qaar ka mid ah martidii kasoo qayb gashay munaasabadda oo ay ku jireen guddoomiyaha hay’ad uu madaxweyne Shariif aas aasay oo lagu magacaabo SAMADDOON Prof. Xassan Warfaa, iyo waliba u qaybsanaha hay’addaas ee dalka Ingariiska mudane Xuseen Xassan Maxamuud. Waxayna labadooda iyo mas’uuliyiintii kaleba amaaneen ardayda Soomaaliyeed ee isku xil qaantay abaabulka kulanka quruxda badan ee ay kusoo dhawaynayeen madaxweynihii hore.
Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa ku guubaabiyay ardayda in ay ku dadaalaan ka mira dhalinta halgankooda waxbarasho, si ay mustaqbalka dhaw u noqdaan kuwo u diyaarsan wax u qabashada dalka iyo dadka.
Ugu dambayntiina waxaa munaasabadda ka hadlay madaxweynihii hore ee dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed oo goobta ka jeediyay khudbad uu ku eegayo dhinacyo badan oo quseeya xaaladda dalka iyo dadka.
Madaxweyne Shariif ayaa ku dhiirrigaliyay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Ankara iyo kuwa jooga magaalooyinka kale ee Turkiga in ay ku dadaalaan waxbarashada, wuxuuna u mahad naqay dowladda Turkiga oo had iyo jeer garab taaggan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Shariif ayaa intii uu munaasabadda ka hadlayay waxa uu su’aalo dhowr ah ugaga jawaabay qaar ka mid ah ardaydii goobta ku sugnayd, kuwaas oo madaxweynaha wax ka waydiiyay arrimo badan oo iyaga maankooda ka guuxayay oo quseeya siyaasadda dalka.
Dhammaadkii munaasabaddana, guddoomiyihii hore ee ardayda Soomaaliyeed ee Ankara mudane Cabdulqaadir Bile ayaa isaga oo ka wakiil ah ardayda waxa uu Shahaaddo sharaf guddoonsiiyay madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, shahaadadaas oo lagu maamuusayay howlihii uu madaxweynuhu kasoo qabtay dalka intii uu talada haayay.