|

Daacish Oo Sheegtay In Haweenay Maraykan ah Oo ay Afduub u Haysteen Ku Dhimatay Duqaymo Diyaaradaha Jordan Geysteen

Mousil:Feb,07,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Daacish eek a dagaallanta Dalalka Syria iyo Ciraaq, ayaa ku dhawaaqay in Haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka oo ay Afduub ahaan u haysteen ku dhimatay duqaymo Diyaaradaha waddanka Urdun Fuliyeen.

horeKooxdu waxa ay warbixintan ku sheegeen in Haweenaydani ku dhimatay Goob ku taalla Magaalada Raqah oo ah Halkii kooxdu ku gubtay Duuliyihii reer Urdun ee dhawaan ay Nolosha ku gubeen.

War ay soo saartay dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegay inaanay xaqiijin karin sheegashadan balse ay baadhitaan ku sameyn doonto.

IS ayaa soo bandhigay sawiro ay ku sheegeen xarunta la weeraray balse ma jiro wax cadeyn ah oo madax banana ah. Xukuumada Jordan ayaa sheegtay in ay duqeyn ka geysatay gudaha dalka Siiriya iyagoo uga aargudaya dilkii loo geystay duuliye Macaad.

Haweeneydan Maraykanka ah Kayla Jean Mueller oo 26 jir ah ayaa ah qofkii ugu dambeeyay ee Maraykan ah oo gacanta ugu jiray ururka IS waxana uu ururku uu dalbanayay sii deynta  gabadhan lacag dhan $6.6 million.

Ms Muller ayaa ka qallin jebisay jaamacada Northern Arizona waxayna markii ugu horeysay gaadhay xadka wadamada Turkiga iyo Syria sanadkii 2012 iyadoo qaxootiga ka shaqeyneysay.

Hase yeeshee waxaa laga afduubtay Aleppo dalka Syria sanadkii 2013. Haddii la xaqiijiyo dhimashadeeda waxa ay noqonaysaa qofkii 4-aad oo Maraykan ah oo ku dhinta gacanta IS.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed