Daacish oo sheegatay weerar ay ka fuliyeen aaga Bossaso
Boosaaso (QJ) – Kooxda Daacish ayaa qaaday weerar Talaadadii lasoo dhaafay ku bilowday qaraxyo, waxaana ay la eegteen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada Difaaca Puntland. Dhammaan 12-ka qof ee weerarka soo qaaday oo Ajaanib ahaa ayaa lagu dilay goobta uu weerarka ka dhacay.
War qoraal ah oo ay soo saartay Daacish ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay gobolka Bari ee Puntland, waxayna sheegtay in weerarkaas ay fuliyeen xubno iyaga ka tirsan, ayna ku dileen in ka badan 20 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland.
Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay fashiliyeen oo iska caabiyeen weerarka Daacish, iyadoo saraakiisha ciidamada Puntland ay xaqiijiyeen in la soo afjaray raggii weerarka soo qaaday oo dhamaantood ahaa ajaaniib, halka qaar kalena ay is qarxiyeen.
Daacish ayaa soo bandhigtay Sawirada iyo Magacyada ragga weerarka geystay, waxaana ay ku sheegtay inay ahaayeen Ajaanib u kala dhashay dalalka Sacuudiga, Tanzania, Morocco, Libya, Yemen, Tunisia iyo Ethiopia.
Weerarkan ay qaadeen xubnaha Ajaanibta ah ee Daacish ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay isu diyaarinayaan howlgal ballaaran oo lagu ciribtirayo maleeshiyada Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari.