|

Daacish oo qoorta ka jartay Muwaadin u dhashay dalka Croatia, oo afduub ahaan ay ugu haysatay Masar

Qaahira,13Aug,2015(QJ/SDN)-Koox xidhiidh la leh Ururka Daacish oo ka dagaalanta dalka Masar, ayaa waxay baahisay muuqaal aad looga naxo, oo muujinaaya geerida Tomislav Salopek, oo ah muwaadin u dhashay dalka Croatia. Muuqaalka waxaa lagu dhex arkayaa Tomislav Salopek oo la qoor gooyay.

Ninkan oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada Qaahira Ee Xarunta Wadanka Masar, ayaa daba yaaqadii bishii hore ee July waxaa laga qafaashay meel ku dhow Qaahira, isagoona mudadaasi u afduubnaa kooxdaasi.

Meydka ninkaasi oo is bedelay, ayaa waxaa la arkaayay iyadoo uu dhinac surnaa Calanka Daacish, waxayna dhacdadani noqotay mid si weyn ay u hadalhayso Warbaahinta Caalamka.

Laba maalmood ka hor waxay Daacish dalbaday in Xukuumadda Qaahira ay xabsiga ka sii dayso haween Muslimiin ah, oo sida ay Daacish sheegtay ku xidhan xabsiyo ku yaala dalkaasi, haddii kalana ay ninkaasi qaarajinayso.

Daacish waxay qoraal ku sheegtay in tallaabada lagu dilay Salopek, ay jawaab u tahay doorka Croatia, ay ku lee dahay dagaalka lagula jiro Dowladda Khilaafada Islaamka.

Dowladda Croatia, ayaa waxaa la fillayaa saacadaha soo socdo Warbixin inay ka soo saarto wararka sheegaaya in muwaadinka dalkeeda u dhashay lagu dilay dalkaasi Masar.

Xukuumadda Zagreb, ayaa mar sii horeysay sheegtay boqolkiiba boqol (100%) inaanan la xaqiijin karin inuu geeriyooday ninka u dhashay Croatia, balse ay Xukuumaddu wado baaritaano la xidhiidha.

 

Comments are closed