Daacish Oo Qiimaha Hablaha Gaadhsiisay Heer Lagu Kala Beddesho Baakidh Sigaar ah
Washington:June,10,2015(SDN/QJ)-Saynab xaawa Bangura oo qaramada midoobay u qaabilsan Xad-gudbyada ka dhanka ah Arrimaha Jinsiga, ayaa shaacisay in kooxda Daacish ay hablaha yar yar qiimo jaban suuqyada kala duwan ugu iibiso.
Waxay Saynab Xaawa Bangura, intaas ku dartay in mararka qaar ay dhacdo in Gabadh yar la siisto lacaag ka yar qiimaha lagu iibsado Baakidhka Sigaarka ah.
Saynab xaawa waxa ay ka dayrisay xaaladda ay ku nool yihiin hablaha yar yar oo ku dhaqan goobaha daacish gacanta ku hayso, iyadoo la sheego in xataa loo guuriyo cid kasta oo diyaar u ah guurkooda, balse aanay iyagu dooran.
Sainab Bangura ayaa ku tilmaantay in Daacish ay dagaalkooda u adeegsan ku xadgudbka haweenka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com