|

Daacish oo noqotay kooxda Islamiyiinta ugu maaliyada badan iyo goobaha uu dakhligu uga soo xaroodo

London Dec 12,2014(SDN/QJ)-Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq ayaa noqotay ta uGu awooda dhaqaale badan ee Islaamiyiinta.

Kooxda ayaa la sheegay in ay sanad walba u xaaroorto aduun ka badan laba milyan oo doolar maalin walba, taasoo ka dhigeysa kooxdii uGu awooda badneyd ee Mareykanku dagaal la galo ebid.

Kooxda Daacish ayaa la sheegay in aduunka ugu badani uu uga soo xaaroodo iibka shidaalka dalka Ciraaq iyo lacago tabaruc oo uga soo xaarooda taageereyaashooda.

Sidoo kale waxaa Iyana la xaqiijiyay in koocda Daacish ay aduun faro badan ka hesho Canshuuraha, boobka iyo iibgeynta farshaxanka dalalka Ciraaq iyo Syria.

Kooxda Islamiyiinta Daacish ayaa warbixin ay daabacdday warbaahinta BBCda waxa lagu shaaciyay in miisaniyad sanadeedka kooxdu uu gaarayo 2 bilyan oo dollar sanad walba.

Kooxda ISIS ayaa sidaa ku noqotay ta uGu awooda badan kooxaha Islamiyiinta ee dunida ka wada dagaalada ay uGu yeeraan Jihaadka.

SDN/QJ-London

contact@qurbejoog.com

Comments are closed