Daacish Oo Dariiqyada Kirkuk Kusoo Bandhigtay Askar Kurdiyiin ah Oo Qafasyo Ku Dhexjirta
Kirkuk:Feb,15,2015(SDN/QJ)-Kooxda Isis ee Dalalka Ciraaq iyo Syri ka dagaallanta, ayaa Dariiqyda Magaalada shidaalka caanka ku ah ee Kirkuk, ay kusoo bandhigeen Tiro kamid ah ciidamada Kurdiyiinta oo qafasyo waaweyn lagu soo dhex xidhay.
Cajalad video ah oo socotay muddo 4 daqiiqo ah ayaa lagu soo bandhigay baraha bulshada dagaalyahano Peshmerga ah waxana ay xidhnaayeen dareys midabkiisu casaan xigeen uu ahaa, labiskaasna waa mid caan ku ah maxaabiista ay gacanta ku dhigaan ay doonayaan inay dilaan ururka IS.
Socodkan lagu soo mariyay degmada Hawija Koofurgalbeed Kirkuk maxaabiistan Kurdiyiinta ah ayaa loo arkaa inay tahay aargoosi kadib markii warbixino iyo sawiro naxdin leh lagu arkay xoogaga Kurdiyiinta oo ku jiidjiidaya maydadka maleeshiyiin ISIS ah wadooyinka gobolka Kurdistan ee dalka Ciraq horaantii bishan.
Cajalada muuqaalka ah ayaa lagu soo bandhigay ciidamo gaadhaya 17 oo Kurdiyiinta Ciraaq ah oo la soo saaray baabuur lagu soo xirey calanka ISIS waxaana gawaadhida si xoog leh u ilaalinayay maleeshiyaad ku hubeysan hubka Ak47 ah.
Dhulka ay ka maamulaan wadamada Ciraaq iyo Siiriya ayaa ururkan IS ayaa lagu arkayay bilooyinkii la soo dhaafay falal cusub caalamka ee ah qaabka dadka loo dilo. Dhowr ruux ayaa magaaloyin ku yaal wadamada Ciraaq iyo Siiriya waxaa laga soo tuuray dhismooyinka dabaqyo dhaadheer ah.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com