|

Daacadnimo iyo Karti Wanaag, Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha

Inaga oo og shaqada ay wasaarada xanaanada xooluhu u hayso bulsho weynta Somaliland gaar ahaan bulshada haysata xoolaha nool oo ah laf dhabarta Somaliland, waxay aynu la soconaa in wasaarada xanaanada xooluhu ay geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushey sidii ay xoolaha Somaliland ay u noqo lahayeen qaar caafimaad qaba iyada oo markaas fulineysa siyaasada xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaany,o waxay sameysay in ay gaadhsiiso talaalka dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Waxa mudan in hawsha intaas leeg ee ay xukuumada madaxweyne ahmed siilaanyo iyo cida uu u wakiishey hawshaas oo ah wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada xanaanada xoolaha Dr Jaamac Maxamed Odawaa ay tahay in lagu taageero sida fiican ee ay hawshaas uga midho dhalinayaan himilada iyo hiigsiga wasaarada hadh iyo habeenba taas oo si ay waxqabadka wasaarada ay usii kordhiso adeegada ay bulshada u hayso ay u baahatey shaqaale joogto ah isla markaasna ay jiraan wasaaradaha dad ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha oo qaata lacagta mushaharaadka wasaaradaha isla markaasna aan ka soo xaadirin goobaha shaqada iyo howlaha shaqo ee wasaaraadaha. shaqaalahaas oo haysta shaqooyin kale, keliyana yimada wasaaradaha iyo goobaha shaqada maalinta mushaharaadka ay doonayan.

Sidaa laajigeed go,aanka geesinimada, daacadnimada iyo kartida ku jirto ee ay qaadatey wasaarada xanaanada xoolahu waan ku hanbalyeeynaynaa waxaanan soo jeedineynaa in wasaaradaha kale intii hore u qaadatey mooyane in inta hadhayna ay si deg deg ah wax uga qabtaan shaqalaas

Shaqalahaasna waxaan leeyahay waar akhiradiina u tudha oo waxa aad qadaneysaan xalaashada ma ogtiihiin in waxan idiin ah mushaharku aan meel kale ka iman ee uu yahay shanti boqol ee shilin ee laga soo ururiyey dad aan awoodin in shantaas boqol bixiyaan sababta looga soo ururiyeyna ay tahay in amnigood hawshooda caafimaad iyo tu kaleba loogu dhameystiro bal ka warama hadaad tidhaahdaan fadhiga ayaan rabnaa inaan iskaga qaadano oo waa xoolo dad weyne mushaharkaasi.

AAKHIRO AYAA DANBEYSA

Eng. Cabdirisaaq Cismaan (EURO)

 

Comments are closed