|

C/Xakiin Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Garbahaarey

Garbahaarey Dec 15 2012 (SDN) Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Garbahaareey ee Gobalka Gedo halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta dowladda ee Garbahaareey.

C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliye saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaa Taliyaha ciidamad xooga dalka.

Inkastoo aan horay la shaacin socdaalka wasiirka ayaa hada waxaa lagu soo waramayaa in halkaasi uu kulamo looga hadlayo Ammaanka kula qaatay mas’uuliyta maamulka gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya.

Saraakiil ciidan iyo maamulka Degmada Garbahaareey ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaraha ee Magaalada garbahaareey ee Gobalka Gedo.

Waa markii ugu horeysay ee wasiirka Gaashaandhiga uu socdaal ku tago Magaalada Garbahaareey tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay.

SDN-Garbahaarey

Comments are closed