Wasiirka Gaashaandhigga Soomaliya oo sheegay in aan dulqaadan doono in dharka Ciidanka lagu waxyeeleeyo dadka rayidka ah
Muqdisho Dec 17 2012 (SDN)-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa u goodiyay dadka ku labisan dareyska Ciidamada dowladda ee dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka dalka.
C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in aan loo dul qaadan dooni in dad ku labisan dharka Ciidamad dowladda ay waxyeeleeyaan shacbka Soomaaliyeed ee dhibaateysan waxaana uu carabka ku adkeeyay in talaabo laga qaadi doono cidii lagu arko arinkaasi.
Fiqi ayaa si adag u sheegay in ay ka go’atahay ilaalinta anshaxa ciidamada waxaana uu intaasi ku daray in Maxkamada Ciidamada qalabka sida laga furi doono degmada kasta oo ay ciidamada dowladda la wareegaan.
“Waxaa jira dad dareyska ciidamada ku dhaawacaya sumcada Ciidamada dowladda, mana u dulqaadan doono, waxaa naga go’an in aan talaabo kaqaadno cidsata oo talaabadan oo kale sameysa, meelksata oo aan qabsanana waxaa geyn doona Maxkamada ciidamad qalabka sida.” Sidaasi waxaa sheegay Wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Sikastaba Wasiirka Gaashaandhigga ayaa maalmahan waday dadaalo uu ku doonayo in saro ugu qaado sumcada iyo awooda ciidamad qalabka sida waxaana wasiirku uu socdaalo ku tagay degmooyin dhowr ah oo kuyaalla gobolad dalka.
SDN-Muqdisho