Cusbitaalka Ugu Cimriga Dheer Geyiga Soomaalida Ee Lagu Xakameeyo Xannuunka Ku Badan Dalka Iyo Dalalka Saxaaraha Ka Hooseeya Oo Sanadkan Ku Guuleystay Inay Hoos U Dhigaan Fiditaankiisii
Hargaysa 5. February,2016(SDN/QJ):– Agaasimaha cisbitaalka qaaxada (TB-da) ee Magaalada Hargeysa Dr. Cismaan Cabdi Maygaag ayaa sheegay in hoos u dhac weyni ku yimi heerkii uu dalka Somaliland ka taagnaa xanuunka Qaaxada sanadkan dhamaaday.ee 2015-ka.
Agaasimaha cisbitaalka qaaxaddu waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay warbaahinta qaranka, sidoo kalena waxa uu ka warbixiyay xaalada guud ee cisbitaalka TB-da, marxaladihii kala gedisnaa ee uu soo maray cisbitaalkani iyo waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu hayay xilka.
Dr: Cismaan Cabdi Maygaag, ugu horrayn waxa uu ka warbixiyay taariikhada cisbitaalkan iyo sababta loo dhisay waxaanu yidhi “Cisbitaalkan waxaa la dhisay sanadkii 1948-dii iyada oo loogu talo galay in uu noqdo cisbitaalka magaalada Hargeysa, isaga markaa shaqeeyay mudo 5-sano ah, markaa cisbitaalka waxaa uu noqday cisbitaal TB-da uun loogu shaqeeyo oo TB-da lagu xakameeyo looguna shaqeeyo dadka xanuunka Tb-da qaba, cisbitaalkani waa cisbitaalka ugu weyn guud ahaan meel Soomaali joogtaba, waxaana cisbitaalkan laga daweeyaa dad ka yimid dhulka ay Soomaalidu degto oo dhan, cisbitaalkan waxa lagu daweeya kala badh wax ka badan inta TB-da lagu daweeyo, Somaliland oo dhan, waxaana cisbitaalkan loogu talo galay in lagu xakameeyo xanuunkan ay keento cayayaanka loo yaqaano, Micro Super Clouses, in lagu xakameeyo, iyada oo uu cudurkani yahay cudur dilaa ah, kuna badan wadankeena iyo wadanadan saxaraha ka hooseeya, ee Afrikaba,”
Dr: Cismaan Cabdi waxaa uu xusay in xanuunkani sanadahan u danbeeyay uu yahay mid hoos u soo dhacaya oo sidii hore ka yar waxaanu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya “Marka ay noqoto la dagaalankiisa marna hoos ayuu u dhacaa, marna kor ayuu u kacaa, laakiin imika waxaa aad mooda inuu soo dhaami doono sidii hore, cisbitaalkan mugiisu waa 220-sariirood, waxaana la yidhaaha Bukaan Jiifka, laakiin awooda dhaqaale darteed intaa badhkeed, ayaa jiifta, oo lagu daweeya oo saddexda wakhti ee isku soo wareegay cuntada lagu siiya, inta kalese ilaa 700 ilaa 800 oo qof ayaa maalintii dibada ka qaata oo la yidhaaho DOTS, DOTS-kuna waxaa weeyaan, Direct Observed Terbed, adiga oo arkaya dawadii waa in la liqaa, wuxuun baanu sameeynaa in dadka waaweyn amase caruurta yaryar ee aan socon kareynin, amase dadka aan xuskoodu dhameyn, amase curyaaminta dadka noocaasa waxaa aanu ku siinaa todobaad, oo waa todobaadle”
Dhanka kale Dr: Cismaan waxaa uu ka warbixiyay sanadkan tiro ahaan dadka ay daweeyeen inta ay dhan yihiin waxaanu yidhi “Waxaa aanu sanadkii daawo siinay oo aanu daaweynaa laba kun ilaa laba kun iyo shan boqol, mararka qaarna waxaa ay ku soo dhacdaa Kun iyo Sideed Boqol, mararka qaarna labada-kunba waa ay dhaaftaa, Somaliland waxaa ku yaala ilaa 14-Setanlight oo daawooyinka laga qaato, sida Hargeysa, Boorame, Burco, Sheekh, Berbera, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Baligubadle.”
Dr: Cismaan waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay xanuunkan iyo astaamaha lagu garan karo iyo sida looga hortagi karo waxaanu yihi “ qofkana markaa looga shakiyo inuu TB cusub waxaa uu yeesha qufac mudo saddex todobaada socda,xumad iyo waliba, dhidid faro badan, cuntadu ka dhaca,habeenkiina dhidid faro,badan ayuu yeesha,calaamadahan qofka isku arka amase lagu hayaana, waa in la yidhaaho waa uu noqon kara,shaki Tb ahi inuu jiro,waana inuu halkan yimaado si loo baadho,cudurkani waa cudur fida waxaa ugu badan ee qaadana waa meelaha laysugu yimaado,”
Agaasimaha cisbitaalku isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi “baadhitaanka intiisa badani waa bilaash laakiin waxaa jira oo aanu lacag aan badnayn aanu ka qaadnaa qaybta dadka lagu sawiro,oo wasaaraduu noo ogolaatay halka meelaha kale toban doolar laga qaado, si shaqaalaha ka shaqaynaya XRY-ga iyo mushiinku haduu jabo loo soo siiyo wixii uu ku shaqeyn lahaa, hase ahaate wax kale oo lacaga oo cisbitaalkan dadka laga qaada ma jiro, waana mabnuuc dadkii in wax la weydiiyo oo waxaan jirin dadkii loogu shaqeeyo”
Dr: Cismaan Cabdi waxaa uu si qoto dheer uga hadlay xidhiidhka ka dhaxeeya xanuunka HIV-ga Iyo xanuunka TB-da waxaanu yidhi “HIV-ga Iyo TB-da waxaa laysku yidhaaha Co-Infection, waa ay wada noolaadaan, inta badana dadku waxaaa uu ku dhaqdhaqaaqa difaaca jidhkiisa, dadkeenuna sideedaba xidhiidh badan ayaynu leenahay, markaa si dadban waa loo odhankara dadku TB-da waa ay wada qabaan, laakiin difaaceena ayaa inaga badbaadiya, waxaanu qofku soo dhacaa marka ay Bakteeriyadii ay ka baxdo halka ay sanbabadu ku xakameeyeen, waxaana qofka TB-da qaba ee aan isdaweyni uu boqolkiiba konton uga badan yahay inuu xanuunkan HIV and IDS uu qaado, dadka caadiga ah, markaa halkana waxaa nooga furan qol lagu baadho xanuunkan HIV-ga oo ay 3 shaqaala ahi ay joogaan, qofkasta oo aanu daawada TB-da u bilaabaynana dhiigaa waanu ka qaadnaa, HIV-ga markaa waxa jira.”