Cuqaasha iyo Waxgaradka Reer Gabiley Oo Ku Gacansaydhay Wasiirro Xukuumaddu u Dirtay Daminta Shaqaaqadii Dhimashada Keentay
Gabiley:Sep,20,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Deegaanka Gabiley, ayaa sheegaya in wafti wasiirro ah oo xukuumaddu udirtay Halkaasi ay la kulmeen Waji-gabax kaga yimi dhinaca cuqaasha iyo waxgaradka Gobolkaas ku dhaqan.
Cuqaashan ayaa si weyn uga cadhooday dhibaatada ka dhacday Magaalada ee shalay dhibamashada iyo dhaawaca keenay, taas oo ciidanku dilka iyo dhaawaca ugu geysteen Shacabka halkaas ku mudaharaaday.
Xubnahan katirsan Golaha Wasiirada ee xaley gaadhay Magaalada Gabiley, ayaan ilaa imika la garaneyn ujeedada socdaalkooda iyadoo la sheegay in ay dabada ka wadaan Qorshe aan munaasib ku ahayn dhacdooyinka taagan islamarkaana, ay ugu guulwadeynayaan Madaxweyne Siilaanyo taas,oo dadweynaha Reer Gabiley wakhtigan go,aan adag ka qaateen, Waxaanay wararku intaa ku dareen in ay Cusbitaalka Gabiley ku booqdeen dhalinyaradii Dhaawaca aheyd ee Ciidamada RRU shaley la dhaceen xabada.
Sidoo kalena afahayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo aan miisaan badan ku lahayn Gabiley,ayaa wararku sheegayaan in uu dhex wareegayo iyadoo dad badani isweydiinayaan, waxa xiligan uyaala Gabiley, maadaama uu yahey sarkaal ka shaqeeya Qasriga Madaxtooyada,iyadoo dadka qaar u arkaan in uu isku sawirayo dhacdooyinka Mudaharaadkii shaley ka dhacey,Gabiley.
Wasiirada Gaadhay Magaalada Gabiley,Ayaa kala ah Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur,Wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasim,iyo Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan.
Waxa baaqday kulamo gooni gooni ah oo cuqaasha ay la lahaayeen Wasiirradu, waxana wali socda Ladqabooyin la doonayo in xubnahan Cuqaasha ah lagu qanciyo inay wada hadal ka galaan dhibaatada dhacday, si loosoo celiyo xasiloonidii.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com