|

Cuqaasha Gobolka Buuhoodle oo Khasaarihii Dhimashada iyo Dhaawaca lahaa ee Ka Dhacay Deegaanka Carro-weyne Mas’uuliyadiisa dusha ka saaray Cali Khaliif Galaydh DAAWO

Buuhoodle 15. February 2016 (SDN/QJ):- Cuqaasha iyo Odayaasha Gobolka Buuhoodle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa cambaareeyey falkii waxashnimada ahaa ee ay maleeshiyada Cali Khaliif ku xasuuqeen dad reer Guuraa ah oo ku sugnaa Deegaanka Carro-weyn oo isla gobolkaasi ah
Cuqaasha iyo waxgaradka Buuhoodle oo tacsi u diray eheladii dadkii falkaa waxyeeladu ka soo gaadhay ayaa sidoo kale dhibaatadii halkaa ka dhacday dusha ka saaray Dagaal oogaha nabad diidka ee Cali khaliif oo mudooyinkii u dambeeyeyna hawlo xasilooni darro ka hurinayey meelo ka mid ah Gobolkaasi Buuhoodle.

Comments are closed