Cuno-qabatayn Caalami ah Oo Dusha Laga Saaray Maleeshiyada Xuutiyiinta Iyo Hoggaamiyayaashooda Oo Xayiraad La Dul-dhigay
Ney York:April,15,2015(SDN/QJ)-Cuno-qabayn caalami ah, ayaa ay qaramada midoobay dusha ka saareen Kooxda Dagaalka ka wadda Waddanka Yemen ee Xuutiyiinta, waxana xayiraad la saaray dhammaanba hoggaamiyayaasha Kooxdaas horbooda.
Qaraarka Cuno-qabaynta lagu saaray, ayaa sidoo kale waxaa uu dalbanayaa inay dagaalka joojiyaan Jabhada Xuutiyiinta, isla markaana dhamaan dhinacyada isku haya Yemen ay dib u bilaabaan wada hadaladii ay Qaramada Midoobey gadhwadeenka ka aheyd.
Sidoo kale waxaa qaraarkan lagu xanibay safarada iyo hantida uu leeyahay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax oo la sheegay inay taageerayaan Jabhada Xuutiyiinta.
Dagaalada iyo weerarada cirka ah ee ka socda Yemen ayaa dalka waxaa uu ka dhigay mid xaalad bur bur ah geliyay, iyadoo dad badan ay ka barakaceen dalka.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ilaa 736 ruux ay ku dhinteen Yemen, halka 2,700 ay ku dhaawacmeen tan iyo 26 bishii March ay bilowdeen weerarada cirka ee ay ka wadaan Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga.
Dhinaca kale Xulufada uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa ku tilmaamay qaraarkan ay u codeeyeen Golaha Ammaanka inuu yahay guul u soo hoyatay shacabka dalka Yemen.
SDN/QJ