|

Cunfiga Ka Taagan Dalalka Bariga Dhexe Oo Saamayn Ku Yeeshay  Hab-Dhaqanka Iyo Qaab Nololeedka  Ragga U Dhashay !

London 10. August 2017 (SDN/QJ):- Dagaalada iyo dhibaatooyinka ka taagan Dalalka Bariga Dhexe ayaa ah kuwo had iyo jeer kor u sii kacaya, haddaba deraasad dhawaan laga sameeyay dalalkaasi ayaa waxa lagu cadeeyay in saamaynta uu Cunfiga ka taagan Dalalkaasi ku yeeshay Dadka ku dhaqan uu kor u sii kacayo, gaar ahaana Ragga waxaana la caddeeyay in tirada Dadka aanay dhibaatoyinku haysan ee iskood isku deldela ama isku dilaa ay kordhayso, arrintaasi ayaa waxay sabab u noqonaysa in jiilalka Ragga ah ee la filayo inay u soo kacaan dalalkaasi ayaa noqonayaan kuwa lunsan oo nolosha quus ka taagan.

Laga soo bilaabo sanadkii 2015kii tirada ku dhintay Cunfiga kala gedisan ee ka taagan Dalalkaasi 208,179 kuwaasi oo ku naf waayay falalka ay ka mid yihiin dagaalada ka taagan qaar ka mid ah Dalalkaasi iyo dilalka badheedhka ah ee Dadka dhexdooda iyo sidoo kale xaaladdo kufsi sida uu caddeeyay af hayeen u hadlay Jaamacada Washington, isla markaana uu kusoo bandhigay Majalada International Journal of Public Health oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay.

Haddaba, Dalalka Bariga dhexe ayaa lagu qiyaasaa Dadka ku nool inay tiradoodu tahay 600 Milyan oo qof, Cunfiga kala gedisan ee ka taagan dalalkaasi ayaa waxa kale oo ay deraasaddani cadaysay inuu kor u sii qaadayo xanuunada Nafsiga ah Khabiirka Diyaariyay Deraasadan oo magaciisa la yidhaahdo Cali Migdad ahna Maamulaha Machadka ka faalooda arrimaha Caafimaadka ee dalalka Bariga dhexe ayaa waxa uu yidhi “Cunfiga joogtada ah isla markaana ka mid noqdo nolosha ee dega dalalka waxa uu abuuraa oo uu soo saaraa Jiil lumay haddii ay yihiin carruur iyo haddii ay yihiin Rag waaweyn ba”.

Xigasho Wargayska Himilo

Comments are closed