|

“Cumar Caydiid Waxaa Loo Xidhay Amar Qarqoosh Oo Lagu Tilmaami Karo Ii haaye” Cali Sanyare

Atlanta 9. February,2016(SDN/QJ):– Wasiirkii hore ee qorshaynta qaranka isku duwida iyo xidhiidhka ha’yadaha caalamiga ee dawladii Daahir Rayaale Kaahin, Cali Sanyare, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xadhig baalmarsan sharciga kula kacday Ganacsadde Cumar Caydiid, isla markaan wuxuu sheegay in sida loo xidhay ahayd amar qarqoosh.
CALI SANYAREQoraalka wasiirka ayaa u dhignaa sidan;
“Waxaan la qabaa, kuna taageersanahay haldoorka kale duwan ee bulshada Somaliland, ee sida fiinta uga ciyey amase uga qeyliyey xaqdarada, sharciga baalmarsan ee lagula kacay Ganacsade cumar caydiid, iyadoo loo Isticmaalay awood xukuumadeed oo qawan.
Falkaasu wuxuu kasoo horjeeda, guud ahaan, qodobo badan oo la xidhiidha dastuurka dalka oo uu ka mid yahay qodobka 25aad, faqradiisa 3aad. Wuxuu kaloo khilaafsanyahay Xeerka Ciqaabta iyo nidaamkiisa loo soo maro fal-dambiyeedka dhibanaha dacweysani uu ku waayi karo xoriyadiisa.
Waxay dhacdadaas maleegani u eegtahay mid dhinac ka dhagareysan, dhinaca
kalenaka leh ujeedo siyaasideysan oo aan marnaba laga filaneyn dal diimoqraadi ah iyo xukuumad ku timid rabitaanka shacbiga iyo cod bulshadeed. Wuxuu falka noocaas ahi ku suntanyahay dal diktatooriya oo uu hogaaminayo kalidii-taliye.
Waxaa kaloo fajiciso noqotay warka warbaahinta ku soo baxay maanta ee sheegay in Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur shaqadii laga fadhiisiyey, xadhigna loogu daray.
Waxaa la soo tebiyey inuu dembigiisu uu ahaa “maxaad ugu ogolaatay
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo Isla markaasna ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI in uu arko Ganacsade Cumar Ceydiid.
Waxaad ogsoontihiin in qof kastaa ku arki karo maxbuus xukuman jeelka dhexdiisa ama saldhig boliis. Sidaas oo kale ayaa maxaabiista xukun sugayaasha ihina (remand prisoners) la soo booqan kara.
Sifaha Ganacsade cumar caydiid lagu soo xidhay way ka duwantahay labada xaaladood ee kor ku xusan. Sababta oo ah, Ilaa hadda, dacwad laguma soo oogin maxkamad sharci ahna xadhigiisa lama soo marin. Markaas,ila hadda,
Ganacsaduhu wuxuu yahay qof aan garsoorka u xidhneyn, balse , hadana maxbuusan.Cid uu u sharciyan u xidhanyahayna lama sheegin. Markaas uma aragno sabab caqli gal ah oo booqashada dadka loogu diidayo. Waxaase, odhan karaa Cumar Ceydiid wuxuu ku xidhanyahay AMAR QARQOOSH lagu tilmaami karo noocii ahaa ” II HAAYE” ee xukuumaddii Siyaad Bare isticmaali jirtay Sababaha kor ku xusan awgood, waxaan, dhawaaq dheer , ku cambaareynaya xukuumadda Somaliland xadgudubka sharci ee ay kula kacday Ganacsade Cumar Caydiid. Waxaan ku baaqaya, in si degdeg ah, xoriyadiisii loogu soo celiyo.
Waxaa kaloo ah wax laga damqado, haddii warku suganyahay, eriga lagula kacay Taliyihii Saldhiga Ibraahim Koodbuur . Waa waali kale oo ciqaabeed oo hadana u muuqda mid khaldan oo aannu sinaba wax dembi ah ku muteysan karin Taliyahu xil-gudashadiisa.
CALI IBRAAHIM MOXAMED ( CALI- SANYARE)
Atlanta, USA

Comments are closed