|

Culimada Somaliland oo laga dalbaday inay Kaalintooda ka qaataan Wacyigelinta AIDS-ka

Hargaysa 07.Sep 2013 (SDN)- Kulan ay ka qayb qaadanayeen Culimada Caasimada lagagana hadlayay Sidii la isaga baadhi lahaa Cuddurka H.I.V/AIDS ayaa lagu soo Gabo gabeeyay Caasimada Hargaysa .

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Xakamaynta xanuunka H.I.V/AIDS  Waxaa sidoo kale lagaga arrinsanayay inaan la faquuqin Xuquuqda dadka la Nool Xanuunkan ,Waxaana Kulankaas laga soo saaray bayaan bulshada loogu baaqay in aanay Takoorin Bukaanka qaba Cudurkan iyo Sidii dadweynaha caadiga ahi isaga baadhi lahaayeen Xanuunkan.

Agaasimaha Komiishanka AidsAgaasimaha Fulinta ee Xafiiska Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS-ka  Professor Cabdi Cali Jaamac oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in culimadu ay yihiin halbawlayaasha ummadi ka dhaqaaqdo, Qayb weyna ay ka qaadan karaan ka Wacyigelinta Bulshada ee Cudurka H.I.V/AIDS, Waxa uu Agaasimahani intaas ku daray in Qodobada ka soo baxay Kulankan ee Ku wajahan inaan la Takoorin dadka la Nool Xanuunkan ay wax badan ka tarayso Ilaalinta Xuquuqdooda aasaasiga ah.

Agaasimahani waxaa kale oo uu Sheegay baahida loo qabo in loo baahanyahay diyaar garaw dhab ah oo lagula tacaalo xanuunkan,si bulshadeena looga badbaadiyo Khatartiisa .

Sidoo kale Mid ka mid ah dadka ku dhiiraday inay iska hubiyaan xanuunkan iskana baadhaan ayaa sheegay in wakhtigii uu ku sugnaa shaybaadhka ee baadhistiisu socotay ay maskaxdiisa ku soo dhaceen dareemo, khatar galiyey inuu ku kaco in laga joojiyo shaybaadhka,Isagoo intaas raaciyay inuu markii danbbaadho Xanuunkan Isla markaana uu maanta kalsooni faro badan ku qabo caafimaadkiisa,Waxaanu Qaybaha kala duwan ee Bulshada ka dalbaday in laga dheeraado Ficilada lagu faquuqo dadka uu Xanuunkani asiibay oo mar walba u nugul fasiraada laga bixiyo qaabka ay Cudurkan u qaadeen.

Culimadii kulankan ku sugnaa oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada shaqayn iyo wacyi galin ku saabsan ka feejignaanta Cudurkan iyo qaabka loola dhaqmayo bukaanada uu ku dhaco inay Samayn doonaan.

Gunaanadkii Kulankaas Agaasimaha Fulinta ee Xafiiska Qaran ee Xakamaynta Cudurka AIDS-ka  Professor Cabdi Cali Jaamac  wuxuu culimaddii ka qayb qaadatay Shir hawleedkas ugu baaqay in Wacyigelintani ay noqoto mid wax u tarta dadka la deriska ah Xanuunkan iyadoo laga dheeraanayo in Xuquuqdooda Meel lagaga dhaco.

Culimada Kulankan loo qabtay aya ahaa hormadii labaad ee ka qayb gasha Wacyigelinta iyo Xakamaynta Cudurka H.I.V/AIDS.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa isagoo ka duulaya ka wacyigelinta bulshada ee Cudurkan waxa uu Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Somaliland ku amray inay si buuxda uga qayb qaataan Wacyigelinta la xidhiidha Cudurka AIDS-ka,Maadaama uu Xanuunkani marayo meel wax laga qaban karo.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed