Culimada Magaalada Hargeysa Oo Shaaciyey Inuu Madaxweyne Siilaanyo Ka Dhego Adaygay Qorsheyaal Lagu Raadinayo Xabaalo Lagu Aaso Dadka Geeriyoonaya
Hargeysa:14,2015(SDN/QJ)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(aadan-siiro)oo kamid ah Culimada waaweyn ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo ka cago jiidayo jawaab ka-bixinta Codsiyo la doonayey in lagu qaydo dhul xabaalo u noqda Magaalada Hargeysa ooh ore loogu diray.
Sheekh oo shalay ka Hadlayey aas loo sameeyey Suldaan Xiis Barre oo kamid ahaa Madax-dhaqameedka Magaalada Hargeysa, ayaa warwar ka muujiyey xabaalihii Aadan-siiro ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa oo buuxsamay, isla-markaana madaxweynaha iyo masuuliyiin kaleba laga waayey inay jawaabo ka bixiyaan codsiyo la doonayey in xabaalo kale lagu qorsheeyo.
Sheekhu waxa uu sheegay inay waayeen jawaabtii madaxweynaha oo ay muddo kahor codsi u direen, “Maanta Madaxweyne Siilaanyo Warqad Saddex Bog ah baanu u qornay muddo 15-cisho ah baa laga joogaa xabaalaha yaa ka masuul ah baanu nidhi, ilaa imikana kama uu soo jawaabin,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Sheekha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa tilmaamay in rag badan oo magacyo sheegta laga la’yahay inay ka qaybqaataan Xabaalaha buuxsamay sidii qaar cusub loogu beddeli lahaa, waxana uu yidhi,
“Qaar badan oo magacyo leh nin aana qaar aanaan ilaa afar bog baanu u geynay wax jawaab ahna kama hayno anigu ilaa 18-cisho baan idinla joogay ilaa iyo shan boqol oo warqadood oo mid waliba saddex bog ay tahay baanu qaybinay inta kasoo jawaabtayna aad bay u yartahay.”
Sheekhu waxa uu ku guubaabiyey bulshada reer Somaliland muhiimadda ay leedahay in la helo xabaalo ramsi ah oo cidkastaaba u baahan tahay, “Halla ogaado waxa aynu ka hadlaynaa waa Halkii lagugu aasi lahaa, halkii aabahaa lagu aasi lahaa, Halkii Hooyadaa lagu aasi lahaa iyo Halkii Walaalkaa lagu aasi lahaa.”
Magaalada Hargeysa waxa ay kamid tahay meelaha dadka ugu badani ku nool yihiin, waxana dhibaatooyinka haysta kamid ah inaanay jirin qorshe xukuumaddu ka leedahay sidii xabaalo ku filan magaalada loogu qorshayn lahaa.
SDN/QJ