Cudurka Jadeecada Oo Deegaanka Qorilugud Hal Qof Ku Dilay, Daraasiin Kale Oo U Jiifa Iyo Doorkii Wasaaradda Caafimaadka Oo Gaabis Ah DAAWO
Qorilugud 02. March 2017 (SDN/QJ):- Hal qof, ayaa u geeriyooday xanuunka Jadeecada oo faro baas ku haya dadweynaha ku dhaqan degmada Qorilugud ee gobolka Buuhoodle, waxana ujiifa dad tiradoodu lagu sheegay ilaa 300(saddex boqol) oo qof.
Dadkan oo intood badan laga soo qaaday deegaannada Miyiga, ayaa waxa ay la deris yihiin xaalad adag, waxana ay hawl-wadeennada caafimaadku ku hawllan yihiin sidii dadkaas wax loogu qaban lahaa
Hawl-wadeennadu waxa ay sheegeen in maalintii goobaha caafimaadka ee degmada ku yaalla lasoo dhigo ugu yaraan ilaa 8-qof oo xanuunka jadeecaddu haleeshay, waxana ay xuseen in xataa marka ay ka kacaan dadkaasi ay diif iyo dhibaato caafimaad oo riiqdeedu dheer tahay kala kulmaan.
Madaxda degmada iyo waxgaradka, ayaa sheegay in xaaladda caafimaadka ee bulshada deegaankaasi halis ku jirto, isla markaana awoodda xarunta caafimaadka ee deegaanku kooban tahay oo aanay tahli karaynin inay dadkaas bukaanka ah wax u qabtaan.
Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee xukuumadda ayey waxgaradka deegaanku baaq u direen, waxana ay ugu baaqeen inay gurmad lasoo gaadho dadka deegaanka ee caafimaadkooda lala tacaalayo, waxana ay tilmaameen inaanay awood u lahayn inay xaaladdaas la tacaalaan.
Cudurka jadeecada ayaa faro baas ku haya dadka deegaanka Qorilugud iyo hareeraheeda, waxana cudurkani dillaacay xilli ay abaaro xoogani halkaas ka jiraan, isla markaana ay dadku la ildaran yihiin nafaqo-darro laxaad leh oo ka dhalatay xaaladda abaareed ee taagan iyo xoolihii ay intifaacsan jireen oo dhammaad ku dhaw, isla markaana manficii laga heli jirey yaraaday.