|

Cudurka Daacuunka oo Wajeer ka Dillaacay

Wajeer,19Aug,2015(QJ/SDN)-Mas’uuliyiinta Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in cudurka daacuun caloolaha lagu arkay magaalada Wajeer ee Woqooyi Bari Kenya iyo degaannada ku xeeran

Illaa iyo haatan, waxaa la xaqiijiyey in cudurkaasi diley 6 qof, in ka badan 132 ruux oo kalena lagu dawaynayo cisbitaallada magaalada Wajeer.

Xog-hayaha joogtada ah ee wasaarada cafimaadka iyo faya dhawrka ismaamul gobaleedka Wajeer Dr-Cabdinuur Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in cudurkaasi ka dillaacay Wajeer laba toddobaad ka hor.

Cabdinuur, ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in cudurka uu iminka sii faafayo, islamarkaana laga soo sheegay tuulooyin kale oo ku dhow magaalada Wajeer.

Waxana uu sheegay in imminka ay sameeyeen goobo caafimaad oo gaar ah oo dadka qaba cudurkan lagula tacaalayo, si aanu cudurkaasi ugu faafin bulshada dhexdeeda.

Comments are closed