|

Cudurka Daacuunka oo Si Ba’an ugu Faafay Guud ahaan Dalka Yemen & Xaalad Cunto yaraaneed oo Waddankaasi soo Wajahday

Sanca 26. June 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in tirada kiisaska looga shakisan yahay cudurka daacuunka ee dalka Yemen ay kor u dhaaftay labo boqol oo kun oo qof.

War ka soo baxay ururka caafimaadka aduunka ee WHO iyo hay’adda carruurta ee UNICEF ayaa lagu sheegay in dalku uu wajahayo xaaladda daacuunkii ugu xumaa ee dunida soo mara.’

Labadan hay’adood ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay si weyn ula tacaalayaan joojinta xanuunka daacuunka ee ka dillaacay Yemen, kaasi oo si xowli ah u faafaya.

Hay’addaha ayaa ku howlan ka jawaab celinta daacuunka, waxaana shaqaalaha gurmadka la geeyay dhammaan xaafadaha, iyaga oo ku wacyigalinaya dadka sidii ay isaga ilaalin lahayaayeen xanuunka,  iyaga oo ku dadaalaya nadaafada iyo keydsadaan biyo nadiif ah.

Balse kooxaha gurmadka siinaya dadka ayaa wajahaya caqabado waa weyn, Laba sano oo dagaal sokeeye uu ka soconayo dalka Yaman ayaa dagaaladu waxa ay burburiyeen goobahii adeega caafimaadka iyo hanaanka fayadhowrka ee dalkaasi.

Cuno yari ba’an oo ka jirta Yemen ayaa sababtay nafaqa darro, ka dhigtay dadka Yaman gaar ahaan caruurta kuwa u nugul cudur kasta. Inka badan ilaa saddex boqol oo qof ayaa ilaa iyo haatan u dhintay xanuunka daacuunka.

Comments are closed