|

Cudurka Daacuunka oo ka dilaacay Jigjiga

Jigjiga October 10, 2023 (QJ) – Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xaqiijinaya in cudurka Daacuunka uu ka dilaacay dadka ku dhaqan magaalada Jigjiga, sida uu sheegay xafiiska caafimaadka dowlad deegaanka Soomaalida.

Xafiiska caafimaadka ayaa sidoo kale xusay in cudurkan uu ka dilaacay qaar ka mid ah degmooyinka dowlad deegaanka Soomaalida, balse hadda la xaqiijiyay inuu saameeyay magaalada Jigjiga iyo nawaaxigeeda.

Xafiisku ma uusan shaacin tirada saxda ah ee dadka uu soo ritay cudurkan, balse waxay soo saareen la-talin dhanka caafimaadka ah oo ay ugu baaqeen dadka deegaanka inay ka taxadaraan.

Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loogu soo sheego kiisas kasta oo looga shakiyo xarumaha caafimaadka si loo xakameeyo fiditaanka cudurka.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 2 qof ay u dhinteen cudurka Daacuunka ee ka dilaacay magaalada Jigjiga, iyadoo dhowr kalena la dhigay isbitaallada magaalada.

Comments are closed