Cudurka Daacuunka oo Ka Dilaacay Jasiirada Madi Kaskar & Khasaaraha Nafeed ee uu Sababay
Hargaysa 02. October 2017 (SDN/QJ):- Hay’adda Caafimaadka aduunka ee loo yaqaano WHO ayaa sheegtay in Labaatan Qof ay ilaa hadda u dhinteen afar iyo Sideetan qof oo kalena ay u jiifaan Cudurka Koleeraha oo ka dillaacay Jasiiradda Madi-kaskar.
Cudurkan halista ah oo muddo afar iyo labaatan saacadood ku siman ku dila qofka haddii aanu helin daaweyn dhakhso ah ayaa waxa uu inta badan ka dhashaa Nadaafad darrada, iyada oo aasaasi ahaan xaaladaha qaarkoodna uu keeno Jiirku.
Adfhayeenka Hay’adda Caafimaadka aduunka oo Saxafiyiinta kula hadlayey Magaaladda Jineefa ayaa waxa uu sheegay, in Cudurka daacuunta Mandaqada uu ka dillaacay ee uu ugu badan yahay ay ka mid tahay Caasimada dalkaasi ee Intanaanareefo iyo laba magaalo oo kale oo xeebta ku yaala.
Hay’adda caafimaadka aduunka ayaa waxay sheegtey inay ka cabsi qabaan in xaaladda Cudurkani ay faraha ka baxdo oo uu ku sii fido dalkaasi oo had iyo jeer si sanadle ah Cudurkaasi loo arko.