|

Cudurka Daacuunka oo Faro baas ku haya Dalka Sudan & Dawlada oo Laga dalbaday inay Xaalad Deg deg ah ku soo Rogto Gobolada uu ka dilaacay

Khartuum 03. July 2017 (SDN/QJ):- Dalka Sudan waxaa soo baxaya baaqyo lagaga dalbanayo Xukuumada inay qaado xaalada degdega ah ee Gobolada qaarkood saaran si fursad loogu helo ka hortaga xanuunka daacuunka oo dalkaasi  ku sii faafaya .

Sida uu baahiyey telefishinka SKY news qaybtiisa afka carabiga oo soo xiganayay saraakiil caafimaad, dad gaadhaya 22 kun oo qof oo dalkaasi u dhashay ayaa waxaa ku dhacay cudurka shubanka waxana u geeriyooday 700 oo ka mid ah tan iyo dhamaadkii bishii May ee isla sanadkani.

 

Gudiga caafimaadka ee heer qaran ee Dalkaasi sudan ayaa sheegay in cudurka daacuunka lagu arkay shan gobol oo wadankaa ka mid ah, waxana ay ugu baaqeen Xukuumada inay dirto baaqyo ay taageero ku weydiisanayso beesha caalamka, gaar ahaan xiligan oo laga cabsi qabo in xanuunkaasi ku sii faafo qaybaha kale ee Dalka..

 

Cudurka shuban biyoodka ama daacuunka ayaa ah cudur ka dhsha cuntada iyo biyaha aan nadiifta ahayn ee la cuno ama la cabo.

Comments are closed