|

Cududdii Al-shabaab Oo Saddex Magaalo Ku Ururtay iyo Istaraatiijiyad Cusub Oo ay u Dhigeen Gulufka Lagu Soo Wado

Barawe:Aug,12,2014(SDN/QJ)-Dhawaaqii dhawaan kasoo baxay Madaxweyne Xasan sheikh iyo Huwan AMISOM ee sheegayey in weerar buuxa lagu qaadi doono Deegaanada Al-shabaab ku sugan tahay, ayaa keenay inay Kooxdaasi Istaraatiijiyad cusub dejisato.

shaboWararka laga Helay Gudaha kooxda Al-shabaab, ayaa sheegaya inay kooxdu cududeedii iskugu geysay Saddex kamid ah Magaalooyinka muhiimka ah ee ay wali gacanta ku hayso.

Sidoo kale waxa warkaas sii  xaqiijiyey Afhayeenka Hawlgalka AMISOM, Kornel Cali Aadan Xaamud, waxana uu tilmaamay inay Al-shabaab ayaa isku urursanayaan Baraawe, Jilib iyo Diinsoor.

Afhayeenka ayaa hadalkaasi ku sheegay mar uu Wareysi Khaas ah siiyey Wargeyska Toddobaadlaha ee The Sunday Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inay Alshabaab haatan ku xooggan yihiin deeggaano cayiman, isla markaana ay AMISOM hore u wiiqeen awdoodda Alshabaab, waa sida uu hadalka u sheegaye.

Wuxuuna xusay in Hawlgalkii AMISOM ee loogu magac daray “Operation Eagle” ay Xarakadda Alshabaab kaga qabsadeen 10-Degmo oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Qoryooley, Maxaas, Bulo-burde, Ceel-buur, Waajid, Xuddur iyo Yeed.

Afhayeenka waxa uu Wareysigiisa ku sheegay in Hawlgalka AMISOM baahi u qabaan Diyaaradaha Xamuulka iyo kuwa Helikopteradda, si weerar dhanka cirka loogu qaado Alshabaab, waa sida uu hadalka u yidhi.

Waxa kaloo uu sheegay in Ciiddanka Difaaca Kenya ee KDF hawlgal ballaadhan ka bilaabi doonaan Gobalka J/dhexe, gaar ahaan Degmooyinka ay Dagaalyahannadda Alshabaab ku xooggan yihiin.

Hadalka Afhayeenka ayaa soo baxay iyadoo uu Taliska AMISOM qorsheynayo inay weerar ku qaadaan Deegaannadda ay Xooggaga Alshabaab ka joogaan Goballadda Koonfurta Somalia.

Ciiddanka Uganda ee UPDF ayaa la sheegay in lo xil-saaray sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalladda Isataraatijiyadda leh ee Baraawe, halkaasi oo ay ku sugan yihiin inta badan Hoggaamiyayaasha iyo Saraakiisha sarsare ee Hoggaanka Alshabaab.

Ciiddanka Kenya ayaa waxa iyagana loo xil-saaray qabashadda Degmadda Jilib iyo Jammaame, iyadoo Diyaaradaha Dagaalka Kenya lagu wado inay duqeymo ka geystaan Jilib iyo deegaanadda ku hareeraysan, ka hor intaanay Ciiddanka Lugta ee Kenya soo dhaqaaqin.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed