Cududda Xildhibaanadii Saacid Taageersanaa Oo Baqdin Gelisay Ra’isal Wasaaraha Cusub iyo Ansaxintiisa Oo Dib Loo Dhigay
Muqdisho:18-Dec-2013(SDN)-Waxa Soo Baxaya warar Dheeraad ah oo la xidhiidha Sababta Baarlamaanka Somalia Dib ugu dhigay Ansaxinta Ra’isal wasaaraha Cusub ee Dhawaan la Magacaabay.
Sababta Keentay in dib loo dhigo ansaxintiisa, ayaa lagu sheegay shaki soo baxay oo sheegaya inay jiraan cudud aan la dhayalsan Karin oo ka soo horjeedda ansaxintiisa, kuwaas ooh ore u taageersanaa ra’isal wasaarihii ka horreeyey ee xilka laga qaaday.
Ballanta oo ahayd maanta oo Arbaca ah in la horgeeyo Baarlamaanka, ayaa madaxweyne Xasan gelisay warwar uu ka qabo xildhibaanadii uu markii hore cududa iyo laaluushka ku dhaafay oo haatan helay taageerayaal beel ku raacay.
Dib u dhigida ayaa lagu sheegay mid loogu diyaar-garoobayo kala jebinta xildhibaanada is arursanaya oo u badan qolyihii taageersanaa in uu sii joogo R.wasaarihii baarlamaanku eryay, kuwaas oo wali u dhuun daloola qaabkii ay u hor istaagi lahaayeen talaaba kasta oo madaxweynuhu qaado, iyaga oo waliba markan kaashanaaya xildhibaanno markii hore madaxweynaha taageersanaa oo markan aaminsan in looga baxay balan-qaadyo madaxweynuhu u sameeyay xilligii loo ololeynayay ridida Saacid.
Madaxweynaha Soomaaliya oo aad u daneynaya in R.wasaaruhu ansax noqdo ayaa waxa uu mar labaad gelayaa olole uu xildhibaanada baarlamaanka ee diidan R.wasaaraha uu uga dhaadhicin lahaa hadafkiisa isaga oo adeegsanaya lacag iyo balan-qaadyo.
Madaxweyne Xasan oo dhinaca kale ay dhaliilo kaga socdaan dagaallo sokeeye ee meelo dalka ka mid ah ka socda,isla-markaana la sheegayo in ciidankiisu daraf ka yihiin, ayaa haatan ku dhibtoonaya sidii uu meesha uga saari lahaa jallaafooyinka siyaasadeed ee maamulkiisa la soo dersay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com