|

Cudar Aan La Aqoonsan Oo Faro Baas Ku Haya Shacabka Gobolka Hiiraan iyo Dhimashada Oo Sii Kordhaysa

Jalalaqsi:Dec,27,2014(SDN/QJ)-Shacabka Deggen Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa wali u dhimanaya Xanuun aan la aqoonsan, xilli aanay jirin wax caawimaad ah oo ay ka helaan Xukuumadda iyo Hay’adaha caalmiga ah.

ilorMaamulka degmada ayaa waxaa uu sheegayaa in degmadda aanay lahayn adeegyo caafimaad iyo dhakhaatiir turxaan bixisa taas oo uu ku sheegay in ay sare usii qaadi karto in dad badan ay cudurkaasi u geeriyoodaan.

Waxaa uu maamulka intaasi raaciyay in dowladda dhexe ay usoo gudbiyeen dhibaatada Magaalada ka taagan balse wax jawaab ah aanay weli kasoo gaadhin.

Cuduradan cusub ee ka dilaacay Jalalaqsi ayaa waxaa lagu sheegay astaamahooda mid hargab iyo qandho wata saacado kadibna qofka uu u dhimanayo sida dadka deegaanka iyo maamulkaba laga soo xigtay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay si cad u sheegeen in maalinba maalinta ka dambeesa ay sii kordhayaan dadka cuduradaasi u dhimanaya oo ay caruurta u badan yihiin.

Ilaa iyo hada lama oga tirada saxda ah ee u geeriyooday cudurada cusub ee lagu arkay Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayaa Ceel Biyood ku Yaalla Gudaha Magaalada Muqdisho, waxa ka dhashay Dhimashada ugu yaraan Labaatan qof oo kamid ahaa dad biyihiisa cabay, waxana  sidoo kale jira Tiro dad ah oo Gobolka Hiiraan iyo Meelo ku Hareeraysan ugu geeriyootay Cudurro kusoo booddo ah oo aan la aqoonsan.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed