|

Cuba oo markii u horeysay la fasaxay in Gawaarida casriga ah shicibku iibsan karaan

Havana Dec 20,2013(SDN)-Dawlada dalka Cuba ayaa golleheeda wasiiradu waxa ay ansixiyeen in shicibka dalkaasi aaney iminka wixii ka danbeeya u baahneyn ogolaasho ay ka helan dawlada si ay u iibsadaan gawaarida casriga ah.

Shacabka Cuba ayaan intii ka danbeysay afganbigii ay talada kula wareegeen jebhadii uu hogaaminayay Fidel Castro.

Ilaa iyo sanadii afgenbiga ee 1959kii reer Cuba ma aaney iibsan kareyn gawaari casri ah,waxa qura ee gawaarida casriga ah fasax u heystay kexeyntooda madaxda dalkaasi.

Sidaa awgeedna waa ay ku yaraayeen wadooyinka magaalooyinka Cuba gawaari ka danbeysay 1959kii.

Tilaabada gollaha wasiirada ayaa loo arkayaa mid la doonayo in lagu dardar geliyo dhaqaalaha dalkaasi oo hoos u dhac badani ay soo wejahday.

SDN-Havana
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed