|

CPJ:Suxuufiyiinta Geeska Africa oo aad uga Qaxaya wadamadooda

Nairobi June 22,2013(SDN)-Ururka u dooda xuquuqaha Suxuufiyiinta caalamka ee CPJ ayaa sheegay in gobolka Geeska Africa uu yahay ka ugu badan ee Suxuufiyiintu ka haajiraan.

Ururka CPJ ayaa hadalkaan jeediyay xili maalinimadii khamiista loo dabaadegay maalinta Qaxootiga Dunida.

Sida ay sheegtay CPJ waxa in ka badan 55 suxuufi laga eryay degaanadoodii Geesska Africa ka dib culeyso kala duwan.

Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa dunida ugu xun kolka la eego nolosha Suxuufiyiinta.

CPJ ayaa hore u shaacisay in Soomaaliya tahay dalka dunida ugu khatarsan ee saxaafad laga shaqeeyo.

SDN-Nairobi

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed