|

Congo oo laba Madaxweyne yeelatay doorashadii Madaxtooyada dabadeed

Kinsasha Dec 09,2011(Qurbejoog.com)-Waxa isa soo taraya dalabyada nabadeynta ah ee ka imanaya beesha caalamka ee ku wejahan xaalada ka dhalatay doorashadii dhawaanta loogu tartamay madaxtinimada dalka Congo ee buuqu ka dhashay.

Madaxa xisbiga mucaaridka ah ee Etiene Tshisekedi ayaa ganafka ku dhuftay natiijadii doorashada isla markaana ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha dalka Congo.

Etiene ayaase ugu baaqay taageerayaashiisa in ay nabada dhawrnaa oo ay ka war sugaan dedaalada dhexdhexaadinta ee socda.

Caasimada ayaa lagu arkayay ciidmo dheeraad ah oo wadooyinka dhoobaan iyada oo la maqlayay dhawaqa rasaas goos goosa.

Taageereyasha madaxweynaha Congo Mr K apila ayaa la arkayay iyaga oo dabaaldegaya aadna ugu faraxsan guusha u soo hoyatay.

Dawladaha reer Galbeedka iyo  QM ayaa ugu baaqay dhinacyada tartamay in ay u tudhaan nabada aan cagaha badan ku taagneyn.

Dalka Congo ayaa ka mid ah dalalka ugu kheyraadka badan ee dunida,balse tagrifal iyo hanti iyo colaado aan kala joogsi leheyn ayaa dalkan ka dhigay ka ugu liita dunida.

 

Qurbejoog-Kinsasha

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed