Colombia: Xukuumadda Xilka Haysa Oo Heshiis La Gashay Jabhad 50 Sannadood Dagaalamaysay
Hargaysa 06, October 2016 (SDN/QJ):- Madaxda dawlada Colombia ayaa shaaciyay Inay joojinayaan dagaalka sokeeye ee ka socday dalkooda muddo 50 sano ah, dagaalkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 220 kun oo qof isla-markaana uu dagaalkaasi bara kiciyay ugu yaraan 7 Millyan oo qof .
Go’aanka ay Xukuumadda dalkaasi shaacisay ayaa waxa uu soo baxay kadib markii wada hadalo u dhexeeyay Xukuumadda iyo jabhadda ka dagaalanta dalkaasi ee Fark ay heshiis ku gaadheen in nabad ka dhaliyaan dalkooda isla markaana ay labada dhinac ka wada shaqeeyaan sidii nabaddaa loo suurta-gelin lahaa.
Jabhadda ka dagaalanta dalkaasi ee Fark ayaa dhammaan sanadihii uu dagaalka sokeeye ka socday dalkaasi caadaysatay oo ku caan baxday dhibaataynta shacabka, waxayna soo maleegi jirtay shirqoolo lagu beegsan jiray madaxda dalkaasi, balse heshiiskan haatan ay labad dhinac gaadheen ayaa waxa ka mida ahaa arrimaha lagu heshiiyay in jabhada Farka ay noqoto Xisbi siyaasi ah isla-markaana ay u loolami Karaan madaxtinamda dalkaasi markay ay xiliga doorashooyinka gaadho.