Colaaddii Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud Oo Sii Xumaatay Iyo Dil Xalay Loo Geystay Nin Kasoo Jeeda Deegaanka Xadhadhanka
Xadhadhanka:April,01,2015(SDN/QJ)-Colaaddii u dhaxaysay Beelaha Qorulugud iyo Buuhoodle ayaa sii xumaatay, waxana sii socda Weerrarada gaadmada ah ee maleeshiyooyin labada beelood kasoo jeeda isku qaadayaan, iyadoo xalay dil loo geystay Nin kasoo jeeda Beesha Deegaanka Buuhoodle.
Wararka deegaanadaas laga helayo, ayaa sheegaya in maleeshiyo gaade ahi si qarsoodi ah nin xoolo dhaqato ah ugu dileen Deegaanka Balli-cadaad oo Koonfur Bari ka xiga Tuulada Coodanle oo ku taalla Xuduudda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, waxana haatan taagan xaalad kacsanaan ah oo la dareemayo.
Waxa Beryahan Ku soo Qul qulayay Degaanada Kalshaale Iyo Coodanle Iyo Hawdka Ethiopia Maleeshiyo Ka soo Jeeda Degaanada Qorulugud, ballidhiig Iyo Dhoqoshey, waxaana Geesta Kale Maleeshiyada Khaatumo soo Dhoobtay Ciidamo Kale Isla Goobtaasi waxaana Laga Dareemaya Dagaal Balaadhan oo Goor Kasta Ka Qarxi Karta Degaanadaasi.
Dhawaan ayey Beesha Deegaanka Qorulugud sheegtay inay ka caalweyday dedaal ay ku doonayeen inay nabad ku helaan, waxana ay ku baaqeen in beesha Buuhoodle ay kala quusteen dedaal ay nabad waarta kaga doonayeen.
SDN/QJ